Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayay ku dhacaysaa difaacyahanno la’aan kaddib dhaawac soo gaadhay Antonio Rudiger oo garoonka ka baxay isagoo socodku dhib ku yahay, kaddib markii ay isku dhaceen garabka weerarka Getafe ee Mason Greenwood.
Rudiger ayaa ku biiray liiska dhaawacyada Real Madrid ee ay hore ugu jireen David Alaba iyo Eder Militao, waxaana hadda ay Los Blancos haysataa Nacho Fernandez oo kaliya oo difaaca dhexe ah.
Carlo Ancelotti ayaa difaaca dhexe ka ciyaarsiiyey khadka dhexe ee reer France ee Aurelien Tchouamni oo ka garab ciyaaray Nacho qaybta labaad ee ciyaartii Getafe, maadaama Rudiger uu awoodi waayey inuu kusoo laabto qaybta labaad.
Dhakhaatiirta Real Madrid ayaa garoonka ugu yimid Rudiger oo isku dayay inay caawiyaan, isla markaana siiyaan xanuun baabi’iye, hase yeeshee difaaca reer Germany ayaa garoonka dhax fadhiistay oo awoodi waayey inuu ciyaarta sii wato.
Baadhitaanno ayaa lagu samayn doonaa Rudiger maalinta Jimcaha si loo hubiyo inta uu le’eg yahay dhaawaca soo gaadhay iyo muddada uu garoomada ka maqnaanayo.
Dhaawaca Rudiger ayaa imanaya saddex maalmood ka hor ciyaarta adag ee Atletico Madrid ee horyaalka LaLiga, taas oo uu tababare Carlo Ancelotti wax walba u huri doono sidii uu uga badin lahaa maadaama ay kooxda tababare Diego Simeone laba jeer garaacday xilli-ciyaareedkan.