Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa noqon doonta mishiinka lacagta, waxaanay sannadkii heli doontaa lacag ka badan €1 bilyan oo Euro oo kaash ah oo ka dhigi doonta kooxda dunida ugu taajirsan.
Real Madrid ayaa shaacisay ogeysiis ay jamaahiirteeda ugu sheegayso, in 24 saacadood kaddib ay ku dhawaaqi doonto heshiis weyn iyadoo taageereyaasha qaarkood ay bilowgii hore moodeen in kooxdoodu ay ugu bushaaraynayso saxeexa Kylian Mbappe, laakiin waqti yar kaddib ayaa waxa la ogaaday in ay tahay heshiis ay kooxdu la gashay shirkadda qalabka computerada ee HP.
Heshiiska ayaa dhigaya, in shirkadda Maraykanka ee HP ay sannadkii Real Madrid u shubto lacag dhan €70 milyan oo Euro oo kaash ah, kooxduna ay magaca shirkadda ku dhajiso garamadeeda xilli-ciyaareedka 2024-25.
Hore waxay Real Madrid heshiis ugula jirtay shirkadda Adidas oo ay ka qaaddo sannadkii lacag dhan €117.6 milyan oo Euro iyo shirkadda diyaaradaha ee Fly Emirates oo ay ka shubtaan €70 milyan oo Euro sannadkii, taas oo wadarta lacagta saddexdan shirkadood apy u shubayaan Real Madrid ka dhigaysa €257.6 milyan oo Euro sannad kasta.
Laakiin Real Madrid waxa ay heshay ilo kale oo dakhli oo ay lacago badan kasoo gelayaan, waana garoonkooda cusub ee Santiago Bernabeu oo ay u isticmaali doonto in lagu qabto ciyaaro kala duwan, bandhig faneedyo, iyo waxyaabo kale, waxaana ay ka helaysaa lacag kale oo ku dhow €1 bilyan oo Euro.
Real Madrid ayaa waxay awood u yeelan doontaa inay la saxeexato ciyaartoyda ugu wanaagsan kubadda cagta, isla markaana ay guulo ka keento garoomada, taas oo xukunka kusii hayn doonta Madaxweyne Florentino Perez.