Laba ciyaartoy oo muhiim ah ayaa Real Madrid ka maqnaan doona kulanka adag ee Madrid Derby ee ay Axadda ku martgelinayaan kooxda uu xafiiltanka badan ka dhexeeyo ee Atletico Madrid, waase haddii ay is-ilaalin waayaan ciyaarta caawa ee Getafe.
Real Madrid ayaa iska xaadirin doonta garoonka Coliseum fiidka caawa, si ay hoggaanka ugala wareegaan Girona oo ay laba dhibcood oo nadiif ah dhaafi doonaan haddii ay badiyaan, kaddibna waxay isku diyaarin doonaan Madrid Derby oo garoonka Santiago Bernabeu ay ku qaabbili doonaan Atletico Madrid.
Saddex jeer oo ay xilli-ciyaareedkan kulmeen, waxa laba ka mid ah si xun loo garaacay Real Madrid oo kulankii koowaad oo ahaa horyaalka lagu dubtay Wanda Metropolitano, halka ciyaarta kalena ahayd wareegga 16ka Copa del Rey oo ay Atletico ku reebtay Real Madrid, iyadoo kooxda tababare Carlo Ancelotti kaliya adkaatay semi-finalkii Spanish Super Cup.
Carlo Ancelotti ayaa waxa uu ka walaacsan yahay in ciyaartooyo muhiim ah uu waayo kulanka Atletico Madrid, waana Aurelien Tchouameni iyo Eduardo Camavinga oo min afar kaadh oo digniin ah haysta, kuwaas oo haddii ay kaadhadh qaataan min hal kulan laga qanaaxi doono.
Fede Valverde iyo Toni Kroos ayaa la filayaa inay kusoo wada bilaaban doonaan khadka dhexe, waxaana lagu ladhi doonaa Tchouamani ama Camavinga oo uu tababare Carlo Ancelotti kula dardaarmi doono inay is-ilaaliyaan.