Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa 2-1 ku garaacday Nottingham Forest, waxaana la wareegtay kaalinta labaad ee horyaalka Premier League oo ay ka tuurtay Manchester City oo si ku-meelgaadh ah ay saddex dhibcood u dhaafeen.
Laba gool oo ay kala dhaliyeen Gabriel Jesus iyo Bukayo Saka ayaa Arsenal u go’aamiyey guul ay aad ugu baahnaayeen, iyadoo goolhaye Raya uu daqiiqadihii ugu dambeeyey diiday in goolkiisa loo weydaarto.
Ciyaartan oo si adag loogu dagaallamay qaybta hore, isla markaana labada xul ay si aad ah u xafiiltameen, ayaa waxa lagu kala nastay goolal la’aan, laakiin waxa gacanta sare lahayd oo fursado badnayd Arsenal oo mar walba ahayd kooxda aan ka baxaynin duleedka goolka Nottingham Forest.
Tababare Mikel Arteta ayaa laga dareemayay in uu u cadhaysan yahay weeraryahannada kooxdiisa oo qaybtii hore iska lumiyey fursado dahabi ahaa, halka Nottingham Forest ay tabayeen tayadii weerarka ee Awoniyi oo beddel kusoo galay waqtigii nasashada.
7 jeer oo saddex ka mid ah kubadda goolka ku aaddiyeen ayay Arsenal toogatay goolka Nottingham Forest, halka kooxda garoonkeeda joogtayna ay saddex mar oo kaliya toogatay goolka Gunners.
Daqiiqaddii 57aad ayaa uu Gabriel Jesus ka nixiyey Nottingham isaga oo birta u garaacay, ka hor inta aanu gool aan shaki lahayn oo uu kubadda kala soo galay dhinaca midig ku hubsanin shabaqa daqiiqaddii 65aad.
Bukayo Saka ayaa keenay goolka labaad ee Arsenal oo shabaqa soo taabtay daqiiqaddii 72aad, markaas oo uu dhamaystiray kubbad uu ka helay Gabriel Jesus oo iska maydhay canaantii loo jeedinayay.
Nottingham Forest ayaa waqti dambe dagaallantay oo keentay gool naxdin badan ku abuuray Arsenal, kaas oo uu weeraryahanka reer Nigeria ee Awoniyi oo goolhaye Raya weydaariyey kubbad shaki la geliyey, balse ay VAR fasaxday.
Daqiiqadihiidheeraadka ahaa ee ciyaarta ayay Nottingham Forest ku dhowaatay inay keento goolka barbarraha, iyadoo kubbad halis ahayd uu ka badbaadiyey goolhaye Raya.
Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-1 ay guushu ku raacday Arsenal oo yeelatay 46 dhibcood, waxaanay laba dhibcood ka dambeeyaan Liverpool oo haysata 48 dhibcood, halka Man City oo habeen dambe ciyaaraysa ay u dhacday saddexaad oo ay haysawto 43 dhibcood.