Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa war farxadleh ka heshay xiddiga dhaawaca kaga maqan ee Thibaut Courtois oo dhaawac kasoo gaadhay jilibka ku maqnaa tan iyo bishii August, kaas oo hore loo sheegay in uu illaa bisha June u jiifi doono.
Thibaut Courtois ayaa waxa dillaacday lafta jilibka oo sababtay in qalliin degdeg ahaa lagu sameeyo, waxaanay Real Madrid ku qasbanaaday inay goolhaye cusub ka doonato suuqa iibka ciyaartoyga iyagoo Chelsea amaah kaga soo qaatay goolhayaha reer Spain ee Kepa Arrizalaga, halka Andriy Lunin uu is-muujiyey oo uu Santiago Bernabeu ka noqday libaax aa la tijaabinin.
Thibaut Courtois oo hore loos heegay in xataa aanu ka qayb-geli doonin ciyaaraha Euro 2024 ee bisha June ka furmi doona waddanka Germany, ayaa la sheegay in uu tababarka kusoo laabtay oo uu awoodi doono inuu ciyaaro kulamada ugu dambeeya xilli-ciyaareedka.
Idaacadda COPE ee xarunteedu tahay waddanka Spain, ayaa sheegtay, in bisha April uu taam noqon doono Thibaut Courtois oo uu ciyaari doono siddeedda kulan ee ugu dambeeya horyaalka LaLiga, iyo sidoo kale kulamada wareegga siddeedda Champiosn League haddii ay kooxdiisu usoo gudubto.
Thibaut Courtois ayaa waxa uu toddobaadyadii ugu dambeeyey tababarka shaqsiga ah ku qaadanayay garoonka kooxdiisa ee Valdebebas, isaga oo gurigiisa ka daawanayay guushii Supercopa de Espana ee ay kooxdiisu ku garaacday Barcelona.
Waxa kale oo ay Real Madrid rajo ka qabtaa in bisha April uu soo laaban doono difaaca reer Brazil ee Eder Militao oo isaguna ka dhaawacmay jilibka oo lagu sameeyey qalliin, hase yeeshee waxa aan wax rajo ah laga qabin David Alaba oo isaguna jilibka ka dhaawacan.