Kaddib go’aankii naxdinta iyo anfariirka ku riday Liverpool ee uu tababare Jurgen Klopp ku sheegay inuu iskaga tegi doono Anfield dhamaadka xilli-ciyaareedkan, waxa hadal hayn badan ay ka taagan tahay mustaqbalka ciyaartoyda muhiimka u ah Liverpool oo iyagana la sheegayo inay doonayaan inay iskaga tagaan Anfield.
Hubanti la’aan badan oo mustaqbalka ah ayay waajahaysaa Liverpool, waxaaa sida tababare Klopp oo kale bixi doona ciyaartooyo muhiim ah sida ay warbaahinta Ingiriisku sheegayso.
Hore waxa dibedda ugu soo baxay saddexda ciyaartoy ee muhiimka ah ee Trent Alexander-Arnold, Virgil van Dijk iyo Mohamed Salah oo saddexdoodba ay qandaraasyadooda ka hadhsan yihiin min 18 bilood, haddana waxa kusoo kordhay saddex ciyaartoy oo kale oo iyagana la sheegay in mustaqbalkoodu uu ku xidhan yahay Jurgen Klopp.
Difaaca reer Netherlands ee Virgil van Dijk ayaa isagu si cad saxaafadda ugu sheegay in aanu garanayn in uu sii joogi doono kooxda iyo inkale, isla markaana wax walba ku xidhnaanayaan tababaraha ay kooxdu magacowdo iyo qaabka ay xaaladdu noqoto, halka Mohamed Salah ay kooxaha Sucuudigu si weyn u doonayaan.
Xagaagii ayaa kooxda Al-Ahli ay £150 milyan oo Gini dul-dhigtay Salah oo isaguna kusii adkaystay inuu xilli-ciyaareedkan ku sugnaanayo Anfield isagoo 20 ciyaarood oo horyaalka Premier League ah oo uu u saftay u dhaliyey 14 gool, kana caawiyey inay hoggaanka hayaan.
Alexander-Arnold oo kasoo baxay kulliyadda da’yarta Liverpool ayaa isaguna ka mid noqday liiska saddexda ciyaartoy ee uu hore warkoodu usoo baxay, waxaana lala xidhiidhinayaa kooxda reer Spain ee Real Madrid.
Si kastaba, saddex ciyaartoy oo kale ayaa la sheegay in ay iyaguna doonayaan inay ka tagaan Liverpool mar haddii uu ka baxayo tababarihii ay jeclaayeen, waxaana saddexdan ciyaartoy ay kala yihiin goolhaye Alisson Becker, Joe Gomez iyo Joel Matip, iyadoo difaacan dambe ee reer Cameroon uu dandaraaskiisu ku egyahay dhamaadka xilli-ciyaareedkan socda.