Tottenham ayaa ka fiirsanaysa inay dalab waqti dambe ah ka gudbiso khadka dhexe ee Chelsea ee Conor Gallagher oo 23 jir ah. (Times)
Madaxweynaha horyaalka La Liga ee Javier Tebas ayaa rumaysan in ay jirto fursad ka badan 50% oo uu xiddiga reer France ee Kylian Mbappe ugu biiri karayo Real Madrid xagaaga soo socda. (Goal)
Brentford waxay qarka u saaran tahay inay la saxeexato 18 jirka garabka weerarka uga ciyaara Club Brugge ee Antonio Nusa oo u dhashay Norway. (Sky Sports)
Miguel Almiron waxa uu sii joogi doonaa kooxdiisa Newcastle United kaddib markii uu guul-darraystay qorshe ay kooxaha horyaalka Sucuudigu ku doonayeen inay kula saxeexdaan 29 jirkan oo qiimihiisa lagu sheegay £30 milyan oo Gini. (Guardiola)
Granada waxay dardar gelisay dalabka amaahda ah ee ay Manchester United kaga doonayso garabka weerarka Uruguay ee Facundo Pellistri oo 22 jir ah. (MEN)
Aston Villa waxay ka fiirsanaysaa inay iibiso Jacob Ramsey oo kasoo baxay kulliyaddeeda, si ay sare ugu qaaddo faa’iidadeeda iyo sugnaanshaha maaliyadeed maadaama ay jiraan shuruuc adag oo dhinaca maaliyadda ah oo ay kooxaha Premier League waajahayaan. Ramsey oo 22 jir ah ayaa waxa doonaya kooxaha Newcastle, Tottenham iyo Bayern Munich, iyadoo qiimihiisana lagu sheegay £50 milyan oo Gini. (Athletic)
Khadka dhexe ee Tottenham ee Pierre-Emile Hojbjerg ayuu qareenkiisu sheegay, in aanu laacibkani doonayn inuu ka tago Spurs bishan January inkasta oo kooxo kale lala xidhiidhinayo. (Sky Sports Germany)
Kooxda hoggaaminaysa horyaalka Bundesliga ee Bayer Leverkusen waxay doonaysaa inay la saxeexato xiddiga reer Spain ee Marco Asensio ee ku dhibaatoonaya PSG. 28 jirkan oo ay ku dhacday boos la’aan, ayaa waxase ay u badan tahay inuu kusii negaan doono Parc des Princes. (Sky Sports Germany)
Al-Ittihad waxay wada-adallo kula jirtaa koox aan la magacaabin oo horyaalka Sucuudiga ah oo waliba ka dhisan magaalada Riyadh, taas oo ay doonayso inay ka iibiso weeraryahanka reer France ee Karim Benzema oo 36 jir ah. (L’Equipe)
Chelsea ayaa diyaar u ah inay dhegaysato dalabyada laga soo gudbinayso weeraryahanka reer Albania ee Armando Broja bishan January, iyadoo Blues doonaysa inay booskiisa la saxeexato ciyaartoy kale. (90 min).