Waxa uu argagax ka qaaday warka dhagihiisa kusoo dhacay ee ahaa in tababare Jurgen Klopp uu ka tegayo Liverpool dhamaadka xilli-ciyaareedkan, kaddibna waxa uu qabsaday oohin, iyadoo uu ilmada ceshan waayey sababtoo ah xasuusta fiican ee uu u hayo tababaraha iyo kooxda intaba.
Jimcihii ayuu Jurgen Klopp shaaciyey in xilli-ciyaareedkan socda uu yahay midkiisii ugu dambeeyey ee Liverpool, waxaana uu hadalkani qumbulad qalbigooda gilgishay ku noqday taageereyaasha iyo ciyaartoyda Liverpool.
Waa la filayay in ciyaartoyda hadda jooga Liverpool ay u ooyaan Jurgen Klopp oo ay ka murugoodaan hadalkiisa, laakiin waxa layaab noqotay in Naby Keita oo xagaagii si xor ah uga tegay uu ilmada ceshan waayo isaga oo waliba uu dalkiisa Guinea isku diyaarinayey ciyaartii Equatorial Guinea ee wareegga 16ka Koobka Qaramada Afrika ee ay guusha ku xaqiijisteen.
Naby Keita oo la hadlay wargeyska RMC Sport ayaa yidhi: “Anigu kuma jiro baraha bulshada, laakiin markii la ii sheegay waxa indhahayga qoysay ilmo. Waxa uu Liverpool iigu hayay sidii aan wiilkiisa ahay, aniguna waxa aan u tixgelin jiray sidii uu yahay aabbahay.
“Waxa aan u rajaynayaa nolol fiican inta ka hadhay cimrigiisa. Waxa aan isku dayi doonaa inaan farriin u qoro, nolosha ayaa iska sidan ah, waan ku faraxsanaa intii aan la joogay, koobabna waanu ku guuleysanay.”
Sannadkii 2017 ayay Liverpool £55 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Naby Keita kooxda RB Leipzig, laakiin waqtigiisii Anfield waxa uu la dhibaatooday dhaawacyo tiro badan, haddana waxa uu awooday inuu qayb ka noqdo xiddigihii ku guuleystay Premier League, Champiosn League, FA Cup, League Cup, Community Sheild, Super Cup iyo Club World Cup.
129 ciyaarood oo uu u saftay Liverpool ayuu Naby Keita u dhaliyey 18 gool iyo toddoba kale oo uu caawiye ka noqday.