Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa si xun loogu garaacay garoonkeeda, waxaana 5-3 ku karbaashtay Villarreal oo marti u ahayd oo lixdii daqiiqadood ee ugu dambeeyey iyo waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaarta ku dhalisay saddex gool.
Ciyaar musalsal ahayd oo ka dhacday garoonka Barcelona, ayaa waxa ay Barca iyo Villarreal iskaga dhaliyeen siddeed gool, taas oo tababare Xavi Hernandez kusii dhoweynaysa in shaqada laga caydhiyo.
Natiijada ciyaartan oo ka dhigan in Barcelona ay toban dhibcood oo nadiif ah ka dambayso Real Madrid oo hoggaanka haysa, ayaa waxa ay ahayd mid barba dhinac u dheelliyeysay oo ay marna farxaysay Villarreal marna Barcelona, inkasta oo kooxda martida ee Villarreal ay qosolka ku horreysay, kuna dambaysay.
Villarreal ayaa toddoba gool taabsiisay shabaqa Barcelona, laakiin laba ka mid ah ayaa laga diiday markii lagu xaqiijiyey inay offside ku jireen ciyaartoydeedu, halka shanta kalena loo diiwaangeliyey.
Daqiiqadihii 3aad iyo 22aad ayay Villarreal laba gool oo la diiday u kala dhaliyeen Alex Baena iyo Gerard Moreno, laakiin weeraryahanka Spain ee Gerard Moreno ayaa waxyar ka hor intii aan loo bixin waqtiga nasashada hoggaanka u dhiibay kooxda martida oo ku qasbay Xavi in isaga oo walaacsan uu ciyaartoydiisa Barcelona qolka labbiska la galo.
Markii lagu soo noqday qaybta labaad ee ay siddeed daqiiqadood socotay ayey ciyaartu noqotay 2-0, waxaana goolka labaad u dhaliyey Villarreal Ilias Akhomach oo hore ugu ciyaari jiray Barcelona, balse ay iska direen.
Waxa intaas kaddib ciyaarta la wareegtay Barcelona oo is-raacisay saddex gool oo daran-doorri ahaa oo ay u kala dhaliyeen Ilkay Gundogan, Pedri iyo difaaca Villarreal ee Eric Bailley oo kubbad si qaldan iskaga dhaliyey.
Barcelona oo rumaysan inay guuleysanayso, ayaa waxa si fudud difaaceeda usoo burburiyey ciyaartoyda Villarreal oo goolka barbarraha ka dhaliyey daqiiqaddii 84aad, waxaana u saxeexa Gonçalo Guedes oo dhamaystiray kubbad uu ka helay Sorloth.
Barca ayaa ku doodday rikoodhe markii ay kubaddu ku dhacday gacan laaban, waxaana go’aan degdeg ahaa qaatay garsooraha, laakiin VAR oo laga soo hubiyey ayaa caddaysay in gacantu ay xidhnayd, sidaana waxa lagu diiday rikoodhahaas.
Siddeed daqiiqadood oo dheeraad ah oo ciyaarta lagu daray ayaa dilay Barcelona oo laga dhaliyey laba gool oo kale oo qaladaad badan ay sameeyeen difaacyahannada iyo goolhayuhu, waxaana si fudud shabaqooda ula saaxiibay Sorloth iyo Morales.
Natiijadan ayaa ka dhigan in Barcelona ay haysato 44 dhibcood, waxaanay toban dhibcood ka dambaysaa Real Madrid oo hoggaanka ku haysa 54 dhibcood.