Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa bilowday raadinta tababare cusub oo u beddela Jurgen Klopp oo Jimcihii shalay si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu iskaga tegayo kooxda dhamaadka xilli-ciyaareedkan, isaga oo waliba burburinaya heshiiskii cusubaa ee uu sannadkii hore saxeexay.
Taageereyaasha Liverpool oo ka falceliyey go’aanka Jurgen Klopp ayaa ku tilmaamay inuu ‘cadowgooda u jabiyey’, waqti uu xilli-ciyaareedku kala-badh marayo oo ay tartan ugu jiraan afar koob oo ay mid walba doonayaan inay gacanta ku dhigaan.
Wararka laga helayo Ingiriiska ayaase sheegaya, in Jurgen Klopp uu go’aanka bixitaankiisa ku wargeliyey masuuliyiinta Liverpool bishii November, haddana aanay layaab ku ahayn.
Sida uu qoray wargeyska The Athletic, Liverpool waxay tan iyo bishii November la xidhiidhaysay tababareyaal ay u kala dooranaysay beddelka Jurgen Klopp, waxaana figta sare ee dookhyada kooxda ku jira Xabi Alonso oo ah tababaraha Bayer Leverkusen ee hoggaanka u haysa horyaalka Bundesliga, ilaa haddana ay kooxdiisu tahay naadiga kaliya ee dhamaan tartamada aan laga adkaanin xilli-ciyaareedkan.
Alonso oo kooxdiisu ay dheeshay 27 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah, ayaa afar dhibcood oo nadiif ah hoggaanka kaga haysa Bayern Munich, waxaana uu hore uga mid ahaa xiddigihii Liverpool u qaaday Champions League sannadkii 2005 ee finalka dhaliyey goolasha, isaga oo Reds ku sugnaa intii u dhaxaysay 2004 illaa 2009.
Si kastaba, Wargeyska The Athletic ayaa waxa uu sheegay, in Liverpool ay doorbidayso tababaraha Brentford ee Thomas Frank oo ay maamulka Liverpool u arkaan inuu leeyahay falsafadda tababare Jurgen Klopp oo ay waxyaabo badan ka siman yihiin, sida shaqsiyadda fiican, qaab-ciyaareedka iyo sida uu ciyaartoydiisa u maamulo.
The Athletic waxa uu intaa ku daray, in Xabi Alonso, Roberto De Zerbi oo ah tababaraha Brighton & Hove Albion iyo Ange Postecoglou oo Tottenham layliya ay iyaguna ku jiraan liiska Liverpool.