Jurgen Klopp ayaa ku dhawaaqay maanta inuu isaga tagayo Liverpool dhamaadka xilli ciyaareedka.
Klopp ayaa sharaxaad ku bixiyay inay ka dhamaatay tamartii uu ku sii wadi lahaa kooxda ka dhisan horyaalka Ingariiska.
“Waxaan ka tagayaa kooxda dhamaadka xilli ciyaareedka” ayuu Klopp ku yiri muuqaal ay baahisay Liverpool. “Waan fahamsanahay in go’aankaan uu amakaak ku noqon doono dad badan.”
Klopp ayaa xaqiijiyay inuu madaxda kooxda ku wargeliyay inuu isaga tagayo kooxda bishii November ee sannadkii la soo dhaafay.
“Mar aan ka wada hadleynay saxiixyada aan sameyn karno xagaaga soo socda, waxaa ku iri ‘ ma hubo inaan halkaan sii joogi doono’, aniga ayay la yaab igu aheyd inuu hadalkaas iga soo baxay. Wixii markaas ka danbeeyayna waxaan bilaabay inaan ka fekero.”
Ciyaaryahankii hore ee Liverpool haatana ahna tababaraha Bayer Leverkusen Xabi Alonso ayaa ugu cadcad inuu bedel u noqdo tababare Jurgen Klopp xagaaga danbe.
Liverpool waxay sidoo kale xaqiijisay in caawiyayaasha tababare Jurgen Klopp inay iyagana kooxda ka tagayaan dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Waxaa isna shaqada ka tagaya agaasimaha kooxda oo howshiisa ay dhamaaneyso ka dib marka uu soo xirmo suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.
Jurgen Klopp ayaa carabka ka adkeeyay in sababta uu Liverpool uga tagayo inay tahay inuusan sii wadi karin shaqada oo tamartii ay ka dhamaatay, islamarkaana uu u baahan yahay inuu nasto.
Klopp ayaase loo badinayaa in shaqadiisa xigta ay noqon doonto shaqada tababaraha xulka qaranka Jarmalka taasoo ah shaqo ka mashquul yar mida kooxda Liverpool.