Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa dejisay qorshaha nadiifinta ee isbeddelka weyn loogu samaynayo kooxda, waxaana ay saxaafaddu heshay go’aamada uu waqtiga horeba sii gaadhay Sir Jim Ratcliffe oo xaraash u diyaariyey dersin ciyaartooyo ah.
Mason Greenwood oo amaah ugu maqan Getafe, isla markaana ay doonayaan kooxo waaweyn sida Barcelona ayaa ugu horreeya liiska xiddigaha loo go’aamiyey in si rasmi ah kooxda looga diro, halka dhinaca kalena uu Omar Berrada oo ah agaasimaha cusub ee Man United oo ay kasoo qaateen Man City uu daraasaynayo xiddigaha ay kooxdu la saxeexan doonto.
22 jirka reer England ee Greenwood oo 16 ciyaarood oo uu u saftay Getafe xilli-ciyaareedkan u dhaliyey saddex gool, ayaa waxa ciyaartoyda bixi doonta ee laga dirayo Old Trafford ku wehelinaya laacibka khadka dhexe Scott McTominay oo lala xidhiidhinayo West Ham United.
Waxa kale oo liiska lagu daray, labada ciyaartoy ee da’yarta ah ee amaahda ku maqan ee Hannibal Mejbri iyo Alvaro Fernandez, waxaana afartan ciyaartoy ee kasoo baxay kulliyadda Manchester United ay kooxdu qorshaysay inay ka hesho lacag dhan £100 milyan oo Gini.
Xiddigaha waaweyn ee Aaron Wan-Bissaka, Casemiro, Antony iyo Jadon Sancho ayaa sidoo kale lagu daray liiska ciyaartoyda laga tirtirayo buugga kooxda Manchester United, waxaana si weyn ay fartu ugu godan tahay Casemiro oo ay maamulka kooxdu isla qaateen inay ku qaldameen inay ku kharash gareeyaan £70 milyan oo sannad iyo badh ka hor ay kaga soo iibsadeen Real Madrid.
Sababta ugu weyn ee Manchester United ay ciyaartoydan u xaraashayso ayaa ah inay ka baqayso inay ku dhacdo sharciga dhaqaalaha ee FFP oo haddii ay mushaharka kooxda hoos u dhigi waayaan ay halis ugu jiraan inay dhibaato waajahaan.