Kooxda kubadda cagta Real Madrid waxa lala xidhiidhinayaa ciyaartooyo dhawr ah oo ay diiraddoodu saaran tahay, iyadoo tababare Carlo Ancelotti uu raadinayo xiddigo uu ku xoojiyo safkiisa marka la gaadho suuqa xagaaga, laakiin inta ka horreysa ayaa sidoo kale ay Los Blancos eegaysaa suurtogalnimada inay la saxeexato difaac dhexe.
Jorge Mendes oo ah wakiilka difaaca reer Portugal ee Antonio Silva ayaa xaqiijiyey, in Benfica aanay ogolaanayn in laacibkeedani uu ka tago waqtigan, isla markaana kooxaha doonaya ay sugi doonaan illaa laga gaadhayo xagaaga ee uu xilli-ciyaareedkani dhamaanayo.
Silva oo ah 20 jir si joogto ah ugu ciyaara kooxda reer Portugal, ayaa waxa uu sidoo kale dhaliyey laba gool oo horyaalka ah 27 ciyaarood oo damaan tartamada ah oo uu u saftay, waxaana qandaraaskiisu uu soconayaa illaa sannadka 2027, balse Los Blancos ayaa la sheegay in aanay arrintaasi dhibaynin oo ay doonayso inay lasoo wareegto.
Kooxda tababare Carlo Ancelotti oo ay dhaawacyo ragaadiyeen, isla markaana 11 gool laga dhaliyey lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey, ayaa kaliya haysata Antonio Rudiger iyo Nacho oo aanu haysanin cid u beddesha, maadaama Eder Militao oo ku dhaawacmay kulankii koowaad ee horyaalka ee xilli-ciyaareedkan uu ugu horreyn kusoo laaban karayo garoomada dhamaadka bisha March, halka David Alaba uu seegi doono qaybta hore ee xilli-ciyaareedka dambe.