Kooxda kubadda cagta AC Milan ayaa doonaysa inay la saxeexato xiddiga reer England ee ay garan weyday Newcastle United ee Callum Wilson, kaas oo kooxda Talyaanigu ay qorshaynayso inay si rasmi ah ula wareegto bishan January.
Milan ayaa xiisaynaysa xiddiga England oo isaguna ogolaanaya inuu helo marin uu kaga baxsado Newcastle oo ku haysa kursiga kaydka, isla markaana u diidday inuu helo boos joogto ah.
Dalabyo amaah ahaa oo ay AC Milan iyo Atletico Madrid ka gudbiyeen Callum Wilson ayaa waxa diidday Newcastle oo kaliya doonaysa in laacibkani uu heshiis rasmi ah kaga baxo St James’ Park, laakiin qiimihiisa ayay daraasaynaysaa Milan ka hor inta aanay dalabkeeda rasmiga ah ee iibka ah gudbinin.
Callum Wilson oo ay da’diisu tahay 31 jir ayaa waxa qandaraaskiisa ka hadhsan 18 bilood oo kaliya, waxaanay Newcastle ka ordaysaa in uu si xor ah uga tago, amaba uu qiimihiisu si weyn hoos ugu dhaco xagaaga, maadaama ay soo dhowaanayso waqtiga bixitaankiisu.
Newcastle oo la sheegay inay halis ugu jirto in lagu sameeyo baadhitaanno salka ku haya, inay jabisay sharciga dhaqaalaha ayaa la sheegay inay doonayso inay iibiso qaar ka mid ah xiddigaheeda waaweyn, sida Bruno Guimaraes, Alexander Isak iyo Kieran Trippier, halka Miguel Almiron suuqa la dhigay.