Tababaraha kooxda kubadda cagta Bayern Muncih ee Thomas Tuchel ayaa jeex-jeexay ciyaartoydiisa kaddib guul-darradii Axaddii ay kala kulmeen Werder Bremen oo 1-0 ku garaacday iyadoo kusoo booqatay garoonka Allianz Arena.
Munich oo 11kii sannadood ee ugu dambeeyey si xidhiidh ah ugu guuleysanaysay horyaalka Bundesliga, ayaa xilli-ciyaareedkan uu hoos u dhac ku yimid, waxaanay u muuqataa in aanay awoodi doonin in ay markii 12aad oo xidhiidh ah ku guuleystaan.
Bayer Leverkusen oo noqotay mucjisada Yurub ee sannadkan ayaa toddoba dhibcood ka horreysa, waxaana shalay lugta sii qabtay kooxda tababare Ole Werner ee Werder Bremen oo gool madi ah oo uu u dhaliyey Mitchell Weiser saddexda dhibcood kaga qaadatay.
Thomas Tuchel oo ka cadhooday in kooxdiisu ay ka faa’iidaystan weyday fursadihii ay heshay ayaa yidhi: “70 daqiiqadood ayaanu ciyaaraynay annaga oo u muuqanna in aanaan dooneyn guul, waxa aanu u ciyaarnay sidii koox heerka labaad ah, 20 daqiiqadood oo kaliya ayaanu si fiican u ciyaarnay.
“20 daqiiqadood naguma ay filnayn si aanu u gaadhno hadafkayaga, taasina ma aha waxa aanu halkan u joogno. Marka aad heshiis u saxeexo koox sida Bayern Munich, waa in aad diyaar ahaato 100%. Waxay taasi ka imanaysaa tababaraha iyo ciyaartoyda, balse maanta (shalay) ma aanaan samaynin sidaas.
“Waxa aanu u ciyaarnay sidii aanu hoggaanka ku hayno 10 dhibcood oo kale oo waliba Salaasadana aanu ciyaarayno tartanka Champions League.”
Tuchel oo beddelay Julian Nagelsmann bishii March ee sannadkii hore, ayaa waxa lagu eedaynayaa in ciyaartoyda kooxdiisa iyo isaguba ay ka caajiseen tababarka.