Weeraryahanka England ee Ivan Toney oo lala xidhiidhinayo Arsenal iyo Chelsea, ayaa go’aansaday in aanu kooxdiisa Brentford ku cadaadinin inay iibiyaan suuqa iibka ciyaartoyda ee bishan January, waxaana ay sugi doonaan illaa xagaaga. (Mirror)
Newcastle ma iibin doonto difaaca England ee Kieran Trippier ee 33 jirka ah oo ay doonayso Bayern Munich iyo weeraryahanka England ee Callum Wilson oo ay da’diisu tahay 31 jir oo lala xidhiidhinayo Atletico Madrid. (Telegraph)
Newcastle waxay doonaysaa in Bayern Munich ay bixiso 15 milyan oo Euro haddii uu Trippier ku cadaadiyo in la iibiyo, halka kooxda reer Germany ay ku doonayso amaah. (Sport Bild)
Khadka dhexe ee reer Brazil ee Bruno Gimaraes ayaa lagu qasbi doonaa kooxdiisa Newcastle inay iibisio, sidoo kalena waxa Newcastle lagu qasbayaa inay xaraashto weeraryahanka reer Sweden ee Alexander Isak oo 24 jir ah, si ay uga badbaaddo in lagu rido ganaax maadaama ay ku socoto baadhitaan la xidhiidha inay jabiyeen sharciga dhaqaalaha. (Football Insider)
West Ham United waxay diiraddeeda u jeedisay xiddiga reer England ee Kalvin Phillips oo ay ku doonayaan in ay amaah kusoo qaataan. Waxa kale oo ay West Ham doonaysaa Emile Smith-Rowe oo khadka dhexe uga ciyaara Arsenal. (Mail)
Jose Mourinho oo ay AS Roma shaqada ka eriday toddobaadkii hore, ayaa la sheegay in uu wada-hadallo la yeeshay Madaxweynaha Napoli ee Aurelio de Laurentiis oo doonaya inuu u magacaabo kooxdan Talyaaniga ee hoos u dhaca weyn ku yimid. (Times)
Tottenham waxay iska diidday dalab £20 milyan oo Gini ah oo ay kooxda Sucuudiga ee Al-Nassr kasoo gudbisay difaaca reer Brazil ee Emerson Royal. (Talksport)
Juventus waxay wali doonaysaa khadka dhexe ee Tottenham ee Pierre-Emile Hojbjerg oo 28 jir ah, laakiin Spurs waxay kaliya doonaysaa inay si rasmi ah u iibsato oo aanay amaah ku bixin xiddigan reer Denmark. (Sky Sport)
Difaaca Everton ee Ben Godfrey waxa doonaya kooxaha AC Milan, Sheffield United iyo Leeds United. (Calciomercato)
Liverpool ayaa go’aamisay qiimaha goolhayaha reer Republic of Ireland ee Coaimhim Kelleher oo 25 jir ah, kaas oo ay ku fasaxayso £20 milyan oo Gini. (Football Insider)
Dheemanka reer Morocco ee Bilal El Khannouss ayaa waxa doonaysa Atletico Madrid, iyadoo laacibkani uu u ciyaaro Genk. (Football Transfers)