Madaxweynaha xidhiidhka kubadda cagta Adduunka ee FIFA ayaa shaaciyey, in tallaabooyin adag laga qaadi doono kooxaha sameeya cunsuriyadda, kuwaas oo ay ka mid noqon doonaan in si toos ah dhibco looga jaro, in garoonkooda laga xayiro taageereyaasha iyo in kiisas dembi ah lagu soo oogo shaqsiyaadka ku kaca falalkaas oo ciqaab adag la marsiin doono.
Sabtidii shalay ayay dhaceen laba dhacdo oo argagax lahaa oo ay adduunyadu ka qaylisay, kuwaas oo mar kale indhaha ku shiday heerka ay gaadhsiisan tahay cunsuriyaddu iyo in ay mar kale dib usoo laba-kaclaynayso.
Ciyaartii AC Milan iyo Udinese ee Sabtidii ayaa la joojiyey, kaddib markii ay jamaahiirta Udinese aflagaaddeeyeen goolhayaha reer France ee Mike Maignan oo ay ku tilmaameen daanyeer, taas oo keentay in ay ciyaartoydu garoonka ka baxaan, balse markii dambe ay dib usoo laabteen.
Waxa kale oo hakad gashay ciyaartii Conventry City iyo Sheffield Wednesday ee Sabtidii oo ay taageereyaashu cunsuriyeeyeen Kasey Palmer, taas oo uu laacibkani ugu yeedhay garsooraha si uu u tusiyo raxan jamaahiirta Sheffield Wednesday ah oo ku oorinaya, iyaga oo daanyeer ku tilmaamaya.
Madaxweynaha FIFA Gianni Infantino ayaa qoraal dheer oo uu soo saaray, waxa uu ku sheegay in ay la socdaan dhacdooyinkii argagaxa lahaa ee ay ku kaceen taageereyaasha Udinese iyo Sheffield United maalintii Sabtidii, isla markaana aan marnaba la aqbali karayn in waxyaabaha noocaas ah ay ka dhacaan garoomada.
Gianni Infantino ayaa intaa ku daray, in cunsuriyaddu nooca ay doontaba ha ahaatee, aanu boos uga bannaanayn kubadda cagta, sidaas daraadeedna dhamaan bahda kubadda cagta iyo saamiilayda ama daneeyeyaashu ay tahay inay qaadaan tallaabooyin adag.
Waxa uu xusay in kooxaha sameeya tcunsuriyaddu ay waajihi doonaan in dhibco si toos ah looga jaro marka ay taageereyaashoodu ku kacaan cunsuriyad, in garoomo madhan lagu ciyaarsiiyo kooxda falkaas samaysa iyo in jeelka loo taxaabo taageereyaasha.
On behalf of FIFA, Gianni Infantino, FIFA President, has made the following statement:
“The events that took place in Udine and Sheffield on Saturday are totally abhorrent and completely unacceptable. There is no place for racism or any form of discrimination – both in football…
— FIFA Media (@fifamedia) January 21, 2024