Tababaraha reer Portugal ee Jose Mourinho ayaa ka degay garoonka diyaaradaha ee Barcelona, xilli lala xidhiidhinayo in loo magacaabayo kooxda Barca oo cadaadis badan uu saaran yahay tababare Xavi Hernandez, waxaana muuqaal lagaga duubay garoonka lagu weydiiyey haddii loo magacaabayo tababaraha cusub ee Barcelona hoggaamin doona.
Mourinho ayaa laga caydhiyey Roma maalintii Salaasadii, inkasta oo uu u qaaday Conference League oo uu soo afjaray 14 sannadood oo ay koob la’aan ahaayeen, sidoo kalena uu keenay finalka Europa League, haddana waxa galaaftay bandhig xun iyo natiijooyin liita oo ay ka keenayaan garoomada.
Tababarahan hore ee Chelsea, Manchester United, Tottenham, Real Madrid, Inter Milan iyo AS Roma, ayaa waxa lala xidhiidhinayaa shaqooyin badan oo ay ku jirto Barcelona, halka Sucuudiga, Maraykanka iyo xulka qarankiisuna ay liiska ku jiraan.
Waxa hadal hadal haynta Barcelona sii kordhiyey, Jose Mourinho oo lagu arkay isaga oo ka degaya garoonka diyaaradaha magaalada Barcelona, isla markaana halkaas sawirro kaga qaadeen wariyeyaal kula kulmay.
Wariye ku sugnaa garoonka diyaaradaha Barcelona ayaa Jose Mourinho weydiiyey haddii uu noqonayo tababaraha Barcelona, hase yeeshee Mourinho ayaa qosol muusood ah oo kaliya ama dhoolla-caddayn ku jawaabay, isaga oo ka gaabsaday inuu jawaab toos ah bixiyo.
Halkan ka daawo muuqaalka
🚨 ¡MOURINHO está en BARCELONA! 🚨
😏 Niega tener su futuro cerrado… y OJO a la SONRISA al ser preguntado por el BARÇA.
📹 @marccnunezz pic.twitter.com/0bBS1o4fXZ
— El Chiringuito TV (@elchiringuitotv) January 21, 2024