Ciyaartoyda ugu xawaaraha badan kubadda cagta adduunka waqtigan ayaa lasoo saaray, waxaaa lagu garaacay oo laga horreeyaa Kylian Mbappe, Alphonso Davies iyo Mohamed Salah oo ka mid ah xiddigaha caanka ku noqday orodkooda.
Warbixin cusub oo soo baxday ayaa muujinaysa rikoodhka 15ka ciyaartoy ee ugu xawaaraha dheereeya waqtigan, iyadoo sidoo kale booska kaalinta koowaad loo diiay Kyle Walker, Ousmane Dembele iyo xataa Rafael Leao iyo Federico Valverde.
Difaaca Bayern Munich iyo xulka Canada ee Alphonso Davies oo ka mid ah ciyaartoyda la isku raacsan yahay inay ka mid yihiin kuwa ugu orodka dheereeya ayaa ku jira kaalinta 15aad, iyadoo Kylian Mbappe aanu ku jirin gebi ahaanba liiska 15ka ciyaartoy ee ugu orodka badan kubadda cagta.
Arrinta layaabka leh ee liiskan lagu arkay ayaa ah in difaaca Real Madrid iyo xulka Germany ee Antonio Rudiger uu ku jiro kaalinta 1aad, halka Kylian Mbappe oo PSG iyo xulka France ahna uu ka maqan yahay liiskan.
Rudiger ayaa saacaddii ordi karaya 36.7 kiiloo mitir, halka Alphonso Davies oo ugu dambeeya liiskanna uu saacaddii ordi karayo 36.2 kiiloo mitir.
Halkan kaga bogo liiska 15ka ciyaartoy ee ugu xawaaraha dheereeya kubadda cagta
15. Alphonso Davies – Bayern Munich iyo Canada – 36.2 km/h
14. Nuno Tavares – Arsenal iyo Portugal – 36.2 km/h
13. Erling Haaland – Manchester City iyo Norway – 36.22 km/h
12. Federico Valverde – Real Madrid iyo Uruguay – 36.3 km/h
11. Achraf Hakimi – PSG iyo Morocco – 36.48 km/h
10. Rafael Leao – Milan iyo Portugal – 36.5 km/h
9. Moussa Diaby – Aston Villa iyo France – 36.52 km/h
8. Darwin Núñez – Liverpool iyo Uruguay – 36.53 km/h
7. Mohamed Salah – Liverpool and Egypt – 36.6 km/h
6. Adama Traore – Fulham iyo Spain – 36.6 km/h
5. Ousmane Dembélé – PSG iyo France – 36.6 km/h
4. Anthony Gordon – Newcastle iyo England – 36.61 km/h
3. Mykhailo Mudryk – Chelsea iyo Ukraine – 36.63 km/h
2. Karim Adeyemi – Borussia Dortmund iyo Germany – 36.65 km/h
1. Antonio Rüdiger – Real Madrid iyo Germany – 36.7 km/h