Kooxda kubadda cagta Tottenham ayaa qarka u saaran dhamaystirka heshiiska saxeexii saddexaad ee ay samaynayso bishan January, waxaana uu tababare Postecoglou ku mashquulsan yahay sidii uu dibu-dhis ugu samayn lahaa Spurs isaga oo soo urursanaya ciyaartooyo ku habboon falsafaddiisa ciyaareed.
Tottenham oo hore ula soo wareegtay weeraryahanka reer Germany ee Timo Werner oo ay amaah kaga soo qaadatay RB Leipzig iyo difaaca dhexe ee Radu Dragusin oo ay horyaalka Talyaaniga kasoo iibsadeen, ayaa waxa ay hadda gacanta ku dhigaysaa garab weerar oo qorshuhu yahay inuu London soo gaadho bisha July.
Xiddiga reer Belgium ee Antonio Nusa oo u dheela kooxda Club Brugge ayaa ay Tottenham u dhowdahay inay gacanta ku dhigto, waxaanay bixinaysaa €30 milyan oo Euro oo lagu xidhay qandaraaskiis.a
Antonio oo dhashay sannadkii 2005, ayaa waxa uu bandhig heersare ah ka samaynayaa horyaalka Belium, waxaana uu soo jiitay kooxo waaweyn oo reer Yurub ah oo ay Tottenham uga hormarayso heshiiskiisa.
Nusa ayaa marka ay Tottenham heshiiskiisa dhamaystirto waxa uu kusii sugnaan doona kooxdiisa Club Brugge illaa dhamaadka xilli-ciyaareedkan, waxaana uu London iman doonaa bisha July, sida uu yahay qorshaha Spurs.