Halyeyga Arsenal ee Ian Wright ayaa farta ku fiiqay saddex ciyaartoy oo uu sheegay inay sabab u yihiin hoos u dhaca ku yimid Manchester City xilli-ciyaareedan, isla markaana sababta u ah guul-darrooyinka iyo qaab-xumada ay ku jirto Gunners.
Kooxda tababare Mikel Arteta ayaa shantii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee Premier League mar kaliya guuleysatay, waxaanay u dhacday kaalinta afraad iyagoo shan dhibcood ka dambeeya Liverpool oo hoggaanka haysa, halka Man City ay saddex dhibcood ka hooseeyaan.
Ian Wright ayaa ay arrintani walaac ku haysaa, waxaana uu rumaysan yahay in aanay kooxdiisu ku tartami doonin horyaalka haddii aanay hurdada ka toosin saddex ciyaartoy oo ay ciyaartoodu hoos u dhacday, kuwaas oo ah Martin Odegaard, Bukayo Saka iyo Gabriel Martinelli.
Saddexdan ciyaartoy ayaa xilli-ciyaareedkii hore dhaliyey min 15 gool oo dhamaan tartamada ah, laakiin xilli-ciyaareedkan waxa hoosaysa heerka dhalintooda iyo sidoo kale caawintooda.
Ian Wright oo ka hadlayay arrintan ayaa yidhi: “Arsenal waa in ay ka faa’iidaysato fursadaheeda. Haddii aanay fursado abuurayn waynu ka walwali lahayn, laakiin hadda ciyaartoydooda ayaan goolasha dhalinayn.
“Difaaca, waxay haystaan Declan Rice iyo William Saliba oo taam ah, labadoodanna waxay difaacayaga ka dhigeen kuwo adag. Ma garanayo in kubadda ay gaadhsiinayaan Martin Odegaard oo qaab-xumo ku dhacday, Bukayo Saka oo la mid ah iyo Gabriel Martielli oo liita. Saddexdooduba ciyaartoodu way hoosaysaa.”