Xiddiga reer England ee Jordan Henderson waxa uu saacadaha soo socda u duulayaa waddanka Netherlands oo uu tijaabada caafimaadka ugu marayo Ajax oo uu u saxeexi doono heshiis saddex sanadood ah, kaddib markii uu ka tegay kooxda Sucuudiga ee Al-Ettifaq oo xagaagii lacag waalli ah oo mushahar ah u bandhigtay, kaddibna ka cararay kooxdiisii hore ee Liverpool.
33 jirkan ayaa l;a sheegay in aanay Al-Ettifaq wax mushahar ah siinin muddadii lixda bilood ahayd ee uu joogay Sucuudiga, taasina keentay inuu dib ugu soo laabto Yurub oo uu iskaga tago kooxdaas.
Sida uu qoray wargeyska The Sun, Jordan Henderson oo Al-Ettifaq ay la saxeexatay heshiis uu ku helayay £700,000 Gini, ayaan xataa hal Gini la siinin, waxaana toddobaadkan ay kooxdaas ku heshiiyeen in la kansalo heshiiskiisa si uu ugu laabto Yurub.
Henderson oo 19 ciyaarood u saftay kooxda tababare Steven Gerrard, ayaa sababta lacagta loo siin waayey lagu sheegay in aanu wali buuxinin shuruudda sharci ee cayimaysa muddada laga doonayo Sucuudiga inuu ku sugnaado, si uu u noqdo casuur-bixiye, isla markaana lacagihii uu shaqaystay loogu sii wada deyn karo.
Henderson ayaa sida la sheegay waxa uu ogolaaday inuu saxeexo in uu ka dhaaftay Al-Ettifaq dhamaan mushaharkiisii, si ay ugu suurtogasho inuu tago Ajax oo mushahar u siin doonta £77,000 Gini toddobaadkii.