Jose Mourinho ayaa qirtay in ay jirto hal shaqo oo uu ku riyoonayo inuu qabto ka hor inta aanu hawlgabka ka noqon kubadda cagta, iyadoo toddobaadkanna ay eriday kooxdiisii Roma oo Salaasadii si lama filaan ah ugu wargelisay in la caydhiyey.
60 jirkan oo labadii sannadood iyo badhkii u dambeeey ku sugnaa Stadio Olimpico, ayaa Salaasadii ka ambobaxay isaga oo ooyaya, kaddib markii ay Roma soo saartay war-saxaafadeed ay ku sheegtay inay shaqada ka caydhisay.
Ciyaartii ugu dambaysay ee Jose Mourinho uu layliyo Roma ayaa ahayd Copa del Rey oo ay guul-darro kala soo kulmeen kooxda ay xafiiltamaan ee Lazio oo tartanka ka reebtay, halka horyaalka Serie A ay kaalinta siddeedaad kaga jiraan.
Sababta Mourinho ay lama-filaanka ugu ahayd in la eryo ayaa ah, in ay tartanka Europa League usoo baxeen wareegga isreeb-reebka, sidoo kalena xilli-ciyaareedkii hore uu keenay finalka tartankan, halka sannadkiisii koowaadna uu u qaaday koobka Europa Conference League, kaas oo soo afjaray 14 sannadood oo AS Roma aanay wax koobab ah ku guuleysanin.
Jose Mourinho ayaa lala xidhiidhinayaa kooxo badan, sida horyaalka Sucuudiga, Newcastle, Maraykanka iyo meelo kale, hase yeeshee halyeygii Chelsea iyo xulka France ee Frank Lebouef ayaa sheegay in Jose Mourinho uu ku riyoonayo inuu noqdo tababaraha xulka qaranka dalkiisa Portugal.
Lebouef oo la hadlayay telefishanka ESPN ayaa yidhi: “Waxa aan xasuustaa waraysi aan Mr Mourinho kaga qaaday Los Angeles markii uu joogay Madrid iyo Chelsea ba, Waxa uu ii qirtay in waxa ugu dambeeya ee uu jecel yahay inuu sameeyo ka hor inta aanu tababarenimada ka fadhiisan ay tahay inuu noqdo tababaraha xulka qaranka France. Yoolkiisu hadda waa sidaa.
“Waxay ila tahay in uu sugi doono Roberto Martinez illaa tartanka Euro, kaddibna uu eegi doono frusaddiisa.”
Roberto Martinez ayaa hadda ah tababaraha xulka qaranka Portugal oo loo magacaabay kaddib koobkii adduunka 2022, waxaanu saxeexay qandaraas soconaya illaa sannadka 2026.