Barcelona iyo Atletico Madrid ayaa ka mid noqday lix kooxood oo doonaya xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Manchester City ee Kalvin Phillips, kaas oo mustaqbalkiisa Etihad Stadium la go’aamin doono toddobaadka soo socda. (Telegraph)
Newcastle United waxay si dhow ula socotaa xaaladda Phillips, waxayse ka doonaysaa Man City inay hoos u dhigto lacagta amaahda ee ay ku xidhayso kooxda la wareegaysa laacibkan. (i News)
Tottenham kama aanay hadhin saxeexa xiddiga Chelsea ee Conor Gallagher, waxaanay isku dayayaan sidii ay 23 jirkan uga soo afduuban lahaayeen Stamford Bridge. (Football Insider)
Chelsea waxa ay diyaar u tahay inay iibiso weeraryahanka reer Albania ee Amrando Broja oo 22 jir ah, waase haddii ay ku hesho qiime macquul ah iyadoo kooxaha West Ham, Fulham iyo Wolves ay ka mid yihiin naadiyada xiisaynaya. (Athletic)
Blues waxa ay dalbanaysaa £50 milyan oo G1ini oo ay ku xidhayso kooxaha doonaya inay la saxeexdaan Broja oo laba gool oo kaliya u dhaliyey 17 ciyaarood oo uu u saftay xilli-ciyaareedkan. (Telegraph)
Weeraryahanka reer Portugal ee Goncalo Ramos oo xagaagii ay iibsatay Paris Saint-Germain ayaa shaki la gelinayaa mustaqbalkiisa Parc des Princes, waxaana suurtogal ah in kooxda reer France ay iibiso bishan January haddii ay ku hesho qiime macquul ah. (L’Equipe)
Napoli waxay xiisaynaysaa khadka dhexe ee reer Denmark ee Pierre-Emile Hojbjerg, waxaanay diyaar u yihiin inay iibsadaan haddii ay Tottenham go’aansato inay iibiso bishan January. (Telegraph)
Arsenal waxay hoggaanka u qabatay tartanka loogu jiro 20 jirka reer Netherlands ee khadka dhexe uga ciyaara RB Leipzig oo amaah kaga qaadatay Paris Saint-Germain. Kubbad-sameeyahan tayada badan ayaa ay kooxo kale oo reer Yurub ahna xiisaynayaan. (Bild)
Gunners waxay hu’ga dul-dhigatay khadka dhexe ee reer Brazil ee Bruno Guimaraes oo 26 jir ah, kaas oo ay doonayaan inay kala soo wareegaan Newcastle. Qandaraaska Bruno ayaa lagu burburin karayaa £100 milyan oo Euro. (Football London)
Garabka weerarka Mancheste rUnited ee Amad Diallo oo 21 jir ah ayaa iska diiday in bishan January uu amaah ku tago kooxda heerka labaad ee Ingiriiska ee Middlesbrough ee uu tababaraha u yahay halyeygii Man United ee Michael Carrick. (Fabrizio Romano)
Bayern Munich iyo Manchester United waxay ku dagaallamayaan saxeexa difaaca reer France ee Jean-Clair Todibo oo ah 24 jir u dheela Nice oo kasoo baxay kulliyadda da’yarta Barcelona. (Football Transfers)
Difaaca reer Romania ee Radu Dragusin ooa h 21 jir ay Tottenham lasoo wareegtay toddobaadkan, waxa uu iska diiday Bayern Munich si uu u tago Spurs oo uu illaa carruurnimadiisii taageeri jiray. (Evening Standard)
Inter Milan waxay qarka u saaran tahay dhamaystirka heshiiska weeraryahanka reer Iran ee Mehdi Taremi oo 31 jir ah, kaas oo si xor ah ay ugala soo wareegi karayaan FC Porto xagaaga. (Calciomercato)