Tababaraha kooxda kubadda cagta Barcelona waxa kusii kordhaya cadaadiska, waxaana shaki la gelinayaa in uu awoodi doono in uu sii haysto shaqadiisa wixii ka dambeeya xilli-ciyaareedkan socda, haddii ay kooxdu ku guuleysan weydo koobab.
Xavi ayaa u muuqda inuu luminayo kalsoonida ciyaartoydiisa, iyaga oo waqtiganna siddeed dhibcood ka dambeeya kooxda hoggaanka haysa ee Real Madrid.
Kaddib guul-darradii Spanish Super Cup ee ay Real Madrid ku xasuuqday 4-1, waxa soo baxaya warar kala duwan oo dhamaantood liddi ku ah Xavi oo xaqiijinaya in aanu kalsooni badan ka haysanin ciyaartoyda iyo maamulka kooxda, inkasta oo Deco iyo Joan Laporta ay sheegeen inay garab taagan yihiin.
Difaaca midig ee reer Maraykan ee Sergio Dest oo sannadkii 2020 ay Barcelona £23.8 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Ajax isaga oo 19 jir ah, ayaa waxa waqtigaas qandaraaskiisa lagu xidhay €400 milyan oo Euro oo ay bixinayso kooxda isku dayda inay la wareegt.
Si kastaba, laacibkan ayaa waxa kaydka dhigay Xavi Hernandez xilli-ciyaareedkiisii koowaad ee uu la wareegay tababarenimada, waxaanay taasi keentay in xilli-ciyaareedkii hore uu amaah ku tago PSV Eindhoven oo uu ka caawiyey inay ku guuleystaan horyaalka Eredivisie.
Hadda oo uu ku sugan yahay Netherlands, Sergino Dest waxa uu sheegay in aanu marnaba kusoo laaban doonin Barcelona inta uu tababaraha ka yahay Xavi, waxaanu yidhi: “Kaliya waxa aan ku laaban doonaa haddii xaaladdu isbeddesho. Xavi ayaa wali halkaa jooga, markaa ma tegayo inta uu isagu joogo.”