Real Madrid ayaa waxa kusii kordhaya dhaawacyada tiro-beelka ah ee waliba ka halakeeyey khadka dambe ee difaaca, waxaana hadda la xaqiijiyey inuu muddo usbuucyo ah maqnaan doono difaac kale oo culayska kusii kordhin doona Carlo Ancelotti.
Real Madrid ayaa waxa hore uga dhaawacmay Eder Militao iyo David Alaba oo qalliinno lagaga sameeyey jilibka, waxaana labadoodaba ay uga dhamaatay xilli-ciyaareedkan, inkasta oo Militao oo ciyaartii koowaad ee lagu furay horyaalka LaLiga xilli-ciyaareedkan ku dhaawacmay ay suurtogal tahay inuu soo laabto ka hor inta aanu xilli-ciyaareedku dhamaanin.
Waxa kale oo dhaawacan oo kale kaga maqan Real Madrid goolhaye Thibaut Courtois oo fursadda soo laabashadiisa xilli-ciyaareedku yar tahay, halka Lucas Vazquez uu muddo saddex illaa afar toddobaad ah garoomada ka maqnaanayo.
Antonio Rudiger iyo Nacho Fernandez oo kaliya ayaa ah difaacyahannada dhexe ee dabiiciga ah ee ay haysato Real Madrid, waxaana Carlo Ancelotti uu qorsheeyey in Aurelien Tchouameni uu noqdo ciyaartoy kale oo dookh ah oo uu u isticmaali doono difaaca dhexe haddii ay duruuf keento, halka kooxda da’yarta uu uga yeedhay Alvaro Carriollo oo bandhig heersare ah ka sameeyey ciyaartii Copa del Rey ee Arandina oo uu kusoo bilowday.
Carriollo oo ay da’diisu tahay 21 jir oo ahaa dookha afraad ee Carlo Ancelotti, ayaa la xaqiijiyey in uu dhaawacmay oo uu muddo toddobaadyo ah ka maqnaan doono garoomada, waxaana uu sidaas kaga baxay liiska ciyaartoyda uu ku xisaabtamayo Carlo Ancelotti.
Dhibaatada Real Madrid ayaa waxay tahay in hadda aanay haysanin beddelka Rudiger iyo Nacho midkoodna, waxaana ay Los Blancos mar kale ku adkaysatay in aanay la saxeexanayn difaac cusub.