Arsenal iyo Liverpool ayaa isku haysta xiddiga reer Algeria ee Ryan Ait-Nouri oo difaaca uga ciyaara kooxda horyaalka Premier League ee Wolves. (Football Transfers)
Liverpool waxa ay doonaysaa in ay sii haysato khadka dhexe ee reer Spain ee Thiago Alcantara oo ah 32 jir u dhashay Brazil balse u ciyaara xulka Spain. Kubbad-sameeyahan ayay doonayaan kooxo badan oo ay ku jiraan Flamengo oo reer Brazil ah iyo Al-Ettifaq oo Sucuudiga ka dhisan. (Teamtalk)
Newcastle United waxay dib u eegi doontaa qorshaheeda suuqa iibka ciyaartoyda ee bishan January isla toddobaadkan, kaddib markii uu ka dhaawacmay xiddiga khadka dhexe ee Brazil ee Joelinton oo 27 jir ah. (Guardian)
Chelsea waxa ay xaqiijisay in aanay doonayn weeraryahanka Sporting Lisbon iyo xulka Sweden ee Victor Gyokeres oo 25 jir ah, kaas oo la sheegay in Blues ay dalab ka gudbisay. (Football London)
Brentford waxay heshiis la gaadhay Tottenham oo ay amaah kaga qaadanayso difaaca ay dayacday Manchester United ee Sergio Reguilon oo ay dib iskaga celisay bishan January. 27 jirkan reer Spain ayaa Brentford dookh loo siinayaa inay si rasmi ah u iibsan karto. (Fabrizio Romano)
Middlesbrough ayaa weydiisatay Manchester United inay amaah ku siiso garabka weerarka Ivory Coast ee Amad Diallo oo 21 jir ah, laakiin Erik te Hag ayaa doonaya inuu sii haysto kaddib markii uu daawaday wacdaraha uu ka dhigayo tababarka. (Mail)
Liverpool waxa ay doonayaa inay la saxeexato difaaca dhexe ee Chelsea ee Levi Colwill, iyadoo la ogyahay in 20 jirkan reer England uu dhowaan saxeexay heshiis waqti dheer ah. (Sun)
Paris Saint-Germain ayaa u bandhigtay weeraryahankeeda Kylian Mbappe heshiis cusub oo uu sannadkii mushaharkiisu noqonayo 100 milyan oo Euro. Mushaharkan ayaa saddex jibbaar ka badan inta ay Real Madrid doonayso inay siiso oo ah 30 milyan oo Euro. (AS)
Manchester United waxay indhaha ku haysaa weeraryahanka reer Netherlands ee Joshua Zirkzee oo u ciyaara Bologna. 22 jirkan ayay Red Devils isku dayi doontaa saxeexiisa xagaaga soo socda. (Sky Sports)
Weeraryahanka Chelsea ee Armando Broja oo 22 jir ah ayaa waxa doonaysa Wolves. Blues ayaa sidoo kale diyaar u ah inay fasaxdo haddii ay helaan weeraryahan kale bishan January. (Guardian)
Arsenal waxa ay wada-hadallo kula jirtaa Besiktas oo ay isla meel-dhigayaan qiimaha iibka difaaca Gunners ee Cedric Soares. (Mail)