Tababaraha koxoda kubadda cagta Manchester United ayaa tilmaamay nooca ciyaartoyda ee uu u baahan yahay inay noqdaan xiddigaha kooxdiisu, ka hor kulanka adag ee Tottenham ee maanta, kaas oo ay u baahan yihiin inay guuleystaan si ay usoo nooleeyaan rajadooda ah inay afarta sare ku tartami karaan.
Manchester United oo amaah iskaga dirtay Jadon Sancho oo dib ugu laabtay kooxdii ay Red Devils £73 milyan ee Gini kaga soo iibsatay ee Borussia Dortmund, ayaa waxa uu Ten Hag sheegay inuu u baahan yahay ciyaartooyo diyaar u ah inay u dagaallamaan sharafta kooxda, sidoo kalena muujiyaan harraad iyo baahi ay u qabaan inay guuleystaan.
Hadalka Ten Hag oo u muuqanayay inuu ku darayo Sancho, ayaa waxa uu yidhi: “Arrintu ma aha anshaxa, laakiin waa hab-dhaqanka caadiga ah ee aad ka filan karto ciyaartoy kasta.
“Haddii aad doonayso inaad guul gaadho, waxa aad u baahan tahay ciyaartooyo gaajaysan, ciyaartooyo leh shaqsiyad iyo hammuun ay u qabaan inay u dagaallamaan sharafta iyo sumcadda kooxda. Waa inay ciyaartoydu kuwaas noqdaan.”
Si kastaba ha ahaatee, Manchester United ayaa ku jirta xilli-ciyaareed adag, iyadoo tababare Ten Hag oo December 2022 kooxda ka caydhiyey Ronaldo uu haddana Old Trafford dhaafiyey Jadon Sancho, balse naadigiisu waxa uu awoodi la’yahay inuu natiijooyin fiican ka keeno garoomada iyagoo waqti hore ka hadhay Champions League iyo Carabao Cup, isla markaana meel hoose kaga jira Premier League.