Xiddiga reer England ee Kyle Walker ayaa raalligelin siiyey xaaskiisa, kaddib markii la ogaaday inuu laba carruur ah ka dhalay gabadh kale oo quruxley ah oo lagu magacaabo Lauryn Goodmann.
Kyle Walker ayaa waxa fagaaraha keentay xaaskiisa Annie Kilner oo ku eedaysay inuu khiyaameeyey oo uu naago kale xidhiidho la sameeyey, laakiin Walker oo in muddo ah is-nabayey, isla markaana ay xaaskiisa arrintan ku kala tageen ayaa adkaysan waayey.
Sababta Walker uu afka u furtay ayaa ah in quruxlayda caanka ah ee Lauryn Goodmann ay canuggii labaad u dhashay, iyadoo horena ay u kala maqnaayeen Annie.
Qoraal uu ku daabacay bartiisa Instagram ayuu ku yidhi: “Annie waa haweenay cajiib ah, waxaanan kaliya ka raalligelinayaa qaskii iyo dhibaatadii aan ku abuuray. Muddo dheer ayay noloshayda ka tirsanayd, waxna isma beddelayaan carruurtayada daraadood.
“Waxa aan jeclaan lahaa in la ilaaliyo xogta qoyskayaga, gaar ahaan carruurtayada yaryar, inta aanu ka shaqaynayno sidii aanu uga gudbi lahayn waqtiyadan adag.”
Difaaca Manchester City ayaa lagu arkay garoonka tababarka galabta tan iyo markii ay soo baxday sheekada fadeexadda ah, iyadoo Annie ay bannaanka keentay in canuggii labaad ay u dhashay gabadha xayaysiiska samaysa ee Lauryn Goodmann.
Sannadkii 2019 ayaa Annie ay ogolaatay inay garabkiisa istaagto xiddiga Manchester City oo waqtigaas lagu tuhmay inuu xidhiidh jacayl la wadaagay Lauryn, laakiin bilihii ugu dambeeyey ayaa uu burburay guurkii Walker iyo Annie kaddib markii ay soo baxeen in difaaca reer England ay canuggii labaad u dhashay Lauryn oo 32 jir ah.
Dadka dhalleeceeya Walker ayaa jacaylkiisa ku tilmaamay ‘jacaylka jiirka’ oo kale, waxaana uu ka guuray gurigiisa qasriga ah ee ku yaalla Cheshire oo uu ku iibsaday £2.5 milyan oo Gini.
Lauryn oo gabadh u dhashay Walker bishii July ayaa waqtigaas isku dayday inay dafirto xidhiidhka Walker, laakiin waxa la arkay Walker iyo Lauryn oo ku murmaya, isla markaana cadho ku kala tegay iyagoo ku sugan goob bunka laga cabbo oo lagu magacaabo Sussex.
Lauryn ayaa mar kale lagu arkay iyadoo bannaanka joogta oo haysata bun, telefoonkeeda gacanta, fureyaal iyo gabadheeda yar, waxaana laga qaaday sawirro.
Walker ayaa hore loogu eedeeyey inuu ku kacay fadeexado galmo oo dhawr jeer ahaa iyadoo Annie ay illaa waqtigaas usoo dulqaadanaysay dhaqankiisa.
Annie iyo Walker ayuu xidhiidhkooda jacaylku soo bilowday iyadoo ay da’doodu kala ahayd 15 jir (Annie ayaa ahayd) iyo 17 jir uu walker ahaa, waxaana waqtigaas uu u ciyaari jiray Sheiffield United, laakiin waxa uu waxyar kaddib u wareegay Tottenham oo uu ka noqday ciyaartoy booskiisu joogto yahay.
Khilaafaad badan ayaase lammaanahan ka dhax-dhashay markii uu sannadkii 2017kii ugu wareegay Manchester City lacag dhan £50 milyan oo Gini, waxaana sannadkii 2019 ay Annie dibedda uga saartay gurigooda iyadoo aragtay in uu gogol-dhaaf la samaynayo gabadh lagu magacaabo Laura Brown oo ay indhaheeda ku aragtay isaga oo dharka ka saaray.
Dib ayay u heshiiyeen lammaahan oo mar kale haddana isku dhacay markii ay Lauryn Goodmann oo 32 jir ah u dhashay canugga koowaad, waxaana markaas kaddib uu u guuray dhisme u dhow goobta lagu magacaabo Hale ee xaafadda Cheshire ee duleedka magaalada Manchester, taas oo uu ku deggenaa bishii kiro gaadhaysa £8,0000 Gini, halkaas oo haddana uu ugu yeedhay laba gabdhood oo uu galmo la sameeyey waqtigii Koroonaha ee ay adduunyadu kala-xidhnayd taas oo ku noqotay fadeexad kale.
Gabadhan oo ahaa sharmuutooyin ayaa waxa uu siiyey £2,200 Gini habeen uu la saxeexay.
Waxa waqtigaas lagu helay inuu jabiyey sharcigii karantiilka iyo kala-xidhnaanta ee xanuunka lagu xakamaynayay isaga oo haddana booqday qoyskiisa, waxaanay dib u heshiiyeen Annie oo uu u ballan-qaaday in aanu mar labaad samayn doonin wax qalad ah, wax kasta oo dhaqan-xumo ahaana uu u joojinayo saddexdiisa carruurta ah dartood.
Bishii March ee sannadkii tegay ayay kaamirooyinka CCTV qabteen Walker oo goob lagu tunto la jooga haween oo dhaqan-xumo ku kacaya, waxaana muuqaalladaasi ay waqtigaas qabsadeen baraha bulshada.
Si kastaba, Walker waxa hadda ugu dambayntii ka burburay qoyskiisii, waxaanay kala tageen Annie oo saddex carruur ah u haysa.