Kooxda kubadda cagta Newcastle United ayaa ay dhaawacyadu kusii kordhayaan waxaana lagu wargeliyey tababare Eddie Howe in aanu muddo lix usbuuc ah ku xisaabtami doonin xiddiga khadka dhexe ee reer Brazil ee Joelinton
27 jirkan oo ka mid ah tiirada ay ku taagan tahay Newcastle United ayaa uu dhaawac kasoo aadhay ciyaartii FA Cup ee ay Axaddii 3-0 kusoo garaaceen Sunderland, taas oo ay ugu soo gudbeen wareegga afraad ee tartanka.
Lix toddobaad ayaa la sheegay in Joelinton uu ka maqnaan doono garoomada, waxaanay arrintani wiiqi doontaa fursaddii ay kooxdani ugu soo dallici lahayd kaalmaha sare.
23 ciyaarood oo uu u saftay xilli-ciyaareedkan ayuu u dhaliyey saddex gool iyo afar kale oo uu caawiye ka noqday.
Tababare Eddie Howe oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyey dhaawaca Joelinton, waxaanu yidhi: “Wax aaanu isku dayi doonaa in aanu helno beddelkiisa. Waa ciyaartoyga haga khadkayaga dhexe, waa xooggayaga dhexda, dhibaato weyn ayaanay nagutahay dhaawaciisu.”
Newcastle United oo Sabtida garoonka St James’ Park kusoo dhoweyn doonta Manchester City ciyaar ka tirsan horyaalka Premier League ayaa waxa ka dhaawacan 11 ciyaartoy oo muddo ka maqnaanaya garoomada.