Chelsea waxay xiisaynaysaa weeraryahanka xulka Republic of Ireland ee Evan Ferguson oo 19 jir ah, laakiin Brighton ayaa dalban doonta lacag ka badan £100 milyan oo Gini. (Evening Standard)
Manchester United waxay daawanaysaa qaab-ciyaareedka weeraryahanka Ajax ee Brian Brobbey oo ah 21 jir u dhashay waddanka Netherlands. (Mirror)
Everton waxay ku xidhay Arsenal inay bixiso £60 milyan oo Gini si ay ugu ogolaato saxeexa khadka dhexe ee reer Belgium ee Amadou Onana oo 2 jir ah, laakiin Arsenal ma awoodi karayso inay bixiso waqtigan waxaanay u baahan tahay inay iibiso ciyaartooyo maadaama aanay heli karaynin lacag intaas le’eg. (i newspaper)
Kooxda horyaalka Sucuudiga ee Al-Hilal waxay xidhiidh la samaysay Aston Villa oo ay ka doonayso difaaca bidix ee Lucas Digne oo 30 jir ah. (L’Equipe)
Khadka dhexe ee Brentford iyo xulka Nigeria ee Frank Onyeka oo 26 jir ah, waxa doonaya Everton, Fulham iyo tiro kale oo kooxo dibedda UK ah oo qorshahoodu yahay inay amaah ku qaataan. (Guardian)
Arsenal waxay la dhacsan tahay qaab-ciyaareedka weeraryahanka Bologna iyo xulka da’yarta Netherlands ee Joshua Zirkzee oo 22 jir ah. (Telegraph)
Burnley waxay heshiis la gaadhay Chelsea oo ay amaah kaga qaadanayso weeraryahanka reer Ivory Coast ee David Dastro Fofana oo 21 jir ah, kaas oo ay dib uga soo celiyeen amaah uu xagaagii ku tegay Union Berlin. (Athletic)
Lyon waxay si adag iskugu taxalujinaysaa inay la saxeexato garabka weerarka Netherlands ee Arnaut Danjuma oo 26 jir ah, kaas oo go’aanka mustaqbalkiisa ka sugayo Everton kaddib markii ay soo dhamaadeen waqti uu amaah ugu maqnaa Villarreal. (Liverpool Echo)
Leicester City waxay isku dayaysaa inay la saxeexato xiddiga Inter Milan iyo xulka Talyaaniga ee Stefano Sensi oo 28 jir ah. (Leicester Mercury)
Manchester United iyo Manchester City waxay mid walba dhinaceeda ula socotaa korriinka ciyaareed ee uu samaynayo Roony Bardghji oo ah 18 jir u ciyaara FC Copenhagen oo gool ka dhaliyey United tartanka Champions League. (Football Insider)