Ciyaartoyda kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa gellinka dambe ee maanta u duulaya waddanka Sucuudiga, halkaas oo ay kooxda tababare Xavi Hernandez kaga qayb-gelayso tartanka Spanish Super Cup oo ay wareegga semi-finalka ku ballansan yihiin Osasuna.
Khamiista ayay Barcelona la ciyaari doontaa Osasuna, waxaana haddii ay guuleysato ay finalka iskugu iman doonaan Real Madrid iyo Atletico Madrid oo habeen dambe wada ciyaaraya midkooda soo gduba.
Tababare Xavi Hernandez ayaa hore u sheegay, in Xavi uu liiska ciyaartoydiisa kusoo dari doono Pedri iyo Joao Cancelo, inkasta oo aanay wali si buuxda uga soo kabannin dhaawacyada, laakiin waxa liiska ka maqnaaday difaaca reer Portugal halka Pedri uu kusoo baxay liiska oo la sheegay inuu taam yahay.
Inigo Martinez oo uu dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii UD Barbastro ee tartanka Copa del Rey ayaa si lama filaan ah ugu soo baxay liiska, halka Alejandro Garnacho oo ka maqnaaday ciyaartii Axaddii uu isaguna ka mid noqday liiska ciyaartoyda safarka gelaysa.
Xavi Hernandez ayaa liiskiisa kusoo darsaday lix ciyaartoy oo da’yar ah oo ku ducaysanaya in ay kasoo muuqdaan kulamada kooxdooda, waxaanay kala yihiin Hector Fort, Marc Casado, Marc Guiu, Pau Cubarsi, Diego Kochen, iyo Ander Astralaga, halka Gavi Marc-Andre ter Stegen iyo Marcos Alonso ay dhamaantood ka maqan yihiin.
Balde, Araujo, Ferran, Pedri, Lewandowski, Raphinha, Iñaki Peña, Joao Félix, Christensen, Oriol Romeu, Vitor Roque, Sergi Roberto, De Jong, Gündogan, Koundé, Astralaga, Lamine Yamal, Casadó, Fermín, Cubarsí, Aron, Pau Víctor iyo Héctor Fort .