Isku-aadka wareegga saddexaad ee tartanka FA Cup ayaa la shaaciyey, waxaana isku dhacay kooxo waaweyn oo midkoodna aanu ku faraxsanayn inuu waqtigan waajaho midka kale, taas oo damaanad qaadaysa inay tartanka ka bixi doonaan qaar ka mid ah kooxihii la saadaalinayay inay marxaladaha dambe usoo gudbi doonaan.
Kooxda koobka difaacanaysa ee Manchester City ayaa imtixaanka ugu adag mari doonta, waxaanay waajahaysaa Tottenham oo midkood uu usoo gudbi doono wareegga shanaad oo ka koobnaan doona siddeed kooxood, halka midka kalena ay tartanka macasalaamayn doonto.
Manchester City iyo Tottenham ayaa labaduba ka mid ah kooxaha sida weyn loogu saadaalinayo sannadkan, iyadoo Spurs ay bandhig fiican ka samaynayso garoomada xilli-ciyaareedkan oo ay bandhig fiican samaynayso.
Ciyaarta kale ee aadka u adag waa kooxda reer London ee Chelsea ee waqtiga adag ku jirta oo ku dhacday Aston Villa oo xilli-ciyaareedkeedii ugu fiicnaa ku qaadanaysa horyaalka Premier League oo ay kaalinta labaad kaga jirto xilli-ciyaareedkan oo badhtamihii mar hore dhaafay.
Liverpool oo Isniintii soo garaacday Arsenal ayaa ka nafisaysa imtixaankii adkaa, waxaanay isku dhaceen oo ay la ciyaari doontaa Norwich City iyo Birstol Rovers midkooda soo gudba, iyadoo labadan kooxood loo samaynayo ciyaar ku celis ah.
Kulamada wareega afraad ee tartanka FA Cup ayaa la ciyaari doonaa 27ka iyo 28ka bishan January, waxaana isla waqtigaasba isku aad kale loo samayn doonaa siddeedda kooxood ee iskugu soo hadha.
Manchester United iyo Wigan midkooda soo gudba ayaa waxa kale oo ay waajihi doontaa Newport County iyo Eastleigh oo iyaguna wada ciyaaraya midkooda soo gudba.
Halkan kaga bogo isku-aadka wareegga afraad ee FA Cup oo dhamaystiran
Blackburn Rovers vs Wrexham
Bournemouth vs Swansea
West Brom vs Brentford ama Wolves
West Ham/Bristol City vs Nottingham Forest /Blackpool
Leicester vs Hull/Birmingham
Sheffield Wednesday vs Coventry
Chelsea vs Aston Villa
Ipswich vs Maidstone United
Liverpool vs Norwich/Bristol Rovers
Tottenham vs Manchester City
Leeds vs Plymouth Argyle
Crystal Palace/Everton vs Luton/Bolton
Newport/Eastleigh vs Wigan/Manchester United
Sheffield United vs Brighton
Fulham vs Newcastle
Waqtiga la ciyaarayo kulamada kooxihii barbarreeyey
Kooxaha kulamadoodii wareegga saddexaad ee FA Cup ay kusoo dhamaadeen barbarro ayaa waxa ay wada ciyaari doonaan kulamo labaad oo ku-celis ah oo ay ku kala bixi doonaan.
Dhamaan kooxaha barbarraha galay ayaa waxa ay kulamadooda ku-celiska ah dhici doonaan 16ka bishan January.