Xiddiga Barcelona ee Joao Felix ayaa mar kaliya uu mushaharkiisu kordhay kun-jeer, waxaana uu dhibaatada dhaqaale-xumada kusii kordhiyey Barcelona oo la daalaa-dhacaysa bixinta mushaharooyinka ciyaartoyda iyo shaqaalaheeda.
Joao Felix oo ay Barcelona amaah kagala soo wareegtay Atletico Madrid xagaagii, ayaa waxa uu ka tanaasulay mushaharkiisii badnaa ee uu ku qaadanayay Atletico si uu u helo waqti ciyaareed, waxaana uu ogolaaday in Barcelona uu kaliya ka qaato €400,000 sannadka uu amaahda ku joogo.
Laakiin heshiiska bishii September uu ku tegay Camp Nou ayaa uu isbeddel ku yimid, waxaana diiday horyaalka LaLiga oo kun-jeer kordhiyey mushaharkiisa.
Felix oo ka hor intii aanu Barcelona tegin heshiis cusub oo soconaya illaa sannadka 2029 u saxeexatay Atletico Madrid, ayaa tallaabada tanaasulka ah waxa uu u sameeyey si ay Barcelona u awooddo inay diiwaangeliso maadaama ay waqti adag ku jiraan.
Joao Felix ayaa hadda uu mushaharkiisii ahaa €400,000 Euro waxa uu noqon doonaa €4 milyan oo Euro, waxaana arrintan shaaciyey Madaxweynaha horyaalka LaLiga ee Javier Tebas oo saxaafadda u sheegay inay toban-jibbaar ku dhufteen mushaharka Felix, sababtoo ah waxa uu ka hooseeyaa inta uu ogol yahay sharciga dhaqaalaha.
Barcelona ayaa ay arrintani ku noqotay culays kale oo dhaqaale, waxaana ciyaartoygan oo ay u qorsheeyeen in ay kaliya mushahar u siiyaan €400,000 Gini sannadka uu u ciyaarayo ay hadda ka bixin doonaan €4 milyan oo Euro.