Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Manchester United ee Casemiro ayaa rumaysan in weeraryahanka reer Denmark ee Rasmus Hojlund uu noqon doono mishiinka goolasha Old Trafford oo uu beddeli doono taariikhda naadiga ee tobankii sannadood ee ugu dambeeyey daalaa-dhacaysay.
Rasmus Hojlund oo bishii July ay Manchester United kasoo iibsatay Atalanta, ayaa shan gool oo tartanka Champions League ah u dhaliyey kooxdiisa cusub, inkasta oo ay ku hadheen wareeggii group-yada, laakiin horyaalka Premier League ayuu kaliya hal mar shabaqa soo taabtay isaga oo saxeexay goolkii guusha ee ciyaartii ay 3-2 kaga adkaadeen Aston Villa dhamaadka bishii December.
Inkasta oo uu waqti adag ku jiro Rasmus Hojlund, haddana kubbad-burburyaha Brazil ee Casemiro oo kasoo laabtay dhaawac ayaa rumaysan inuu dib u heli doono qaab-ciyaareedkiisa, waxaana uu u tilmaamay sida uu ku noqon karayo xiddiga hoggaamiya kooxda.
Casemiro oo la hadlayay saxaafadda ayaa yidhi: “Rasmus da’diisu way yar tahay, walina waa carruur, sidaa daraadeed ma aha inay cadaadis badan saarno isaga. Dad badan ayaa u hadlaya sidii ay filayeen in marka uu kooxda yimaaddaba uu dhalin doono 30 gool.
“Laakiin xaqiiqadu waxay tahay, in Rasmus Hojlund uu yahay wiil da’yar ah iyo waliba xilli-ciyaareedkiisii koowaad ee Premier League. Balse anigu waan ku faraxsanahay niyad-samaantiisa, maalinba maalinta ka dambaysana wuu lasoo qabsanayaa horyaalka, si adag ayuu u shaqaynayaa, dibna wuu uhelayaa qaabkiisa.
“Waxa uu noqon doonaa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan kooxda, damacaas ayaa ku jira, waxaana uu qeexi doonaa waaga cusub ee Manchester United.”
Rasmus Hojlund oo xanuun kaga maqnaa ciyaartii guul-darrada horyaalka Premier League ee Nottingham Forest ayaa la filayaa in uu kusoo bilaaban doono kulanka Isniinta ee Wigan Athletic ee tartanka FA Cup, waxaana sidoo kale soo laabanaya Casemiro iyo Lisandro Martinez oo iyaguna muddo laba bilood ah dhaawacyo u jiifay.