Xiddiga khadka dhexe ee reer England ee Jordan Henderson ayaa la sheegay in uu ka tegayo kooxdiisa Al-Ettifaq ee horyaalka waddanka Sucuudiga ee uu ku biiray xagaagii, taas oo ka dhigtay mid ka mid ah ciyaartoyda ugu mushaharka badan kubadda cagta waqtigan.
33 jirkan ayaa la sheeay in bishan January ee aynu ku jirno uu dib ugu laaban doono horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League iyo waddankiisa, waxaana la warinayaa inuu u sheegay ciyaartoyda kooxdiisii hore in uu sameeyey qalad weyn markii uu tegay Sucuudiga.
Kabtankan hore ee Liverpool oo aan wax goolal ah dhalinin tan iyo markii uu tegay Sucuudiga, ayaa waxa u raacay qaab-ciyaareed aad u liita oo uu kusoo bandhigay garoomada, taas oo keentay in uu canaan kala kulmo taageereyaasha.
Jordan Henderson oo mushahar £700,000 Gini ah toddobaadkii ka qaata Al-Ettifaq, ayaa waayi doona lacagtaas haddii uu ku laabto Premier League, waxaana ugu badnaan uu heli doonaa £150,000 Gini usbuucii.
Shan kooxood ayaa la sheegay in midkood uu tegi doono Jordan Henderson haddii uu qaato go’aanka ah inuu ku laabto Premier League, waxaana naadiga koowaad ah kooxdiisii hore ee Liverpool oo muddo 12 sannadood ah oo uu u ciyaaray uu u saftay 492 kulan, isaga oo kula guuleystay Premier League, FA Cup, League Cup, Community Shield, Champions League, Super Cup iyo Club World Cup.
Jurgen Klopp ayaa la sheegay inuu diyaar u yahay inuu soo dhoweeyo Jordan Henderson, si uu khibrad ugu kordhiyo saxeexyadii cusbaa ee uu sameeyey markii uu Hendo ka tegay Anfield xagaagii ee Alexis Mac Allister, Dominik Szoboszlai, Wataru Endo iyo Ryan Gravenberch.
Afarta kooxood ee kale ee lala xidhiidhinayo ayaa ah Chelsea, Newcastle, Celtic iyo horyaalka waddanka Germany oo koox aan la magacaabin ay doonayso.