Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa muujiyey kalsooni ah in uu haysto dookhyo kale oo uu isticmaali doono oo kooxdiisa guulo gaadhsiin karaya inta uu ka maqan yahay Mohamed Salah oo ka qayb-gelaya tartanka qaramada Afrika, laakiin waxa uu sidoo kale qirtay in uu ku qasbanaan doono inuu beddelo qaabka kooxdiisa.
Xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah oo gool uu ka dhaliyey Crystal Palace bishii hore kaga mid noqday liiska kooban ee ciyaartoyda Liverpool u dhaliyey 200 gool iyo ka badan, ayaa waxa xilli-ciyaareedkan socda uu saxeexay 18 gool oo 14 ka mid ah ay yihiin horyaalka Premeir League.
Liverpool oo saddex dhibcood oo nadiif ah ku haysa hoggaanka horyaalka Premier League ayaa Isniintii waxa ay 4-2 ku karbaashtay Newcastle, waxaana laba ka mid ah goolashaas u saxeexay Mohamed Salah.
Si kastaba, Jurgen Klopp oo saxaafadda la hadlay ka hor ciyaarta Arsenal ee Axadda ee wareegga saddexaad ee FA Cup, ayaa yidhi: “Hadda waa in aanu xal u helno maqnaanshaha Salah, waananu helaynaa.
“Dabcan haddii aad eegto ciyaarihii ugu dambeeyey oo aad ka fikirto waxa layaabka ah, waa bandhiggiisa, laakiin waxa jirta niyad-samaan badan oo ah in aanu heli doono xal, waxaananu ku muujin doonaa garoonka gudihiisa.
“Haddii aad eegto ciyaartii West Ham oo uu naga maqnaa Mo, waxa dhinacaas ka ciyaaray Harvey Elliott, dhamaantayana waanu ognahay in aanu haysano dookhyo weerar oo ka duwan oo si ka duwan uga ciyaari karaya garabka midig.”
Mar uu uu Jurgen Klopp ka hadlayay ciyaarta Arsenal ee Axadda waxa uu yidhi: “Waxa aan si fiican u hubaa in aanu heli doono xal, laakiin dabcan waxa aanu la ciyaaraynaa Arsenal, waananu tebi doonaa Mo Salah.”