Premier League ayaa soo saaray siddeedda ciyaartoy oo ku tartami doona abaal-marinta ciyaartoygii ugu fiicnaa bishii ugu dambaysay sannadkii hore ee December 2023, waxaanay iskugu jiraan difaacyahanno, khad dhexe iyo weerar.
December ayaa ahayd bishii ugu mashquulka badnayd horyaalka Premier League xilli-ciyaareedkan, waxaana ay kooxuhu ciyaareen kulamo badan iyadoo goolashii ugu badnaana la iska dhaliyey.
Difaaca Liverpool ee Trent Alexander-Arnold oo lix ciyaarood u saftay kooxdiisa, una dhaliyey hal gool iyo laba uu caawiyey ayaa hoggaaminaya liiska ciyaartoyda ku tartamaysa abaal-marinta xiddiga bisha December, waxaase sidoo kale ku jira Son Heung-min oo ka caawiyey Spurs inay usoo dallacdo kaalinta shanaad iyagoo hal dhibic ka dambeeya Arsenal iyo Manchester City oo min 40 dhibcood haysta.
Son ayaa waxa 7 ciyaarood oo bishii December uu u dheelay Tottenham, waxa uu dhaliyey afar gool iyo afar kale oo uu caawiye ka noqday, waana ciyaartoyga ugu cadcad ee loo saadaalinayo inuu ku guuleysanayo abaal-marintan.
Matheus Cunha oo saddex gool u dhaliyey Wolves, saddex kalena caawiyey toddoba kulan oo horyaalka Premier League ah oo bishii Decemer ay ciyaareen, Mohammed Kudus oo afar gool u dhaliyey West Ham lix ciyaarood oo uu u saftay, Michael Olisie oo afar gool iyo hal caawin ah isku raaciyey Crystal Palace toddoba kulan gudahood, iyo Cole Palmer oo lix ciyaarood oo uu u saftay Chelsea u saxeexay afar gool iyo laba caawimood ayaa iyaguna ku jira liiska tartameyaasha ee uu Premier League soo saaray.
Marcos Senesi oo Bournemouth ah oo lix ciyaarood u saftay bishii December, una dhaliyey laba gool iyo hal caawin iyo saaxiibkiisa Dominic Solanke oo isaguna lix gool dhaliyey bishii December ayaa liiska ku jira.