Joe Cole Oo Xabi Alonso Ugu Baaqay Inuu Shaxdiisa Koowaad Ka Saaro Daafacaan

Xiddigii hore ee Chelsea, Joe Cole, ayaa ugu baaqay tababare Xabi Alonso inuu daafaca Wesley Fofana ka reebo shaxda koowaad ee kooxda.

Cole ayaa ku adkaystay in daafacan uu ciyaar taxaddar la’aan ah soo bandhigay, ka dib markii uu la kulmay caro xooggan oo uga timid taageerayaasha Chelsea intii lagu jiray guuldarradii Jimcaha ka soo gaartay Nottingham Forest ee horyaalka Premier League.

Fofana ayaa kaarka digniinta ah qaatay kulankaas, waxaana la beddelay iyadoo taageerayaasha Chelsea ee garoonka joogay ay si joogto ah ugu oorinayeen, kuna qaylinayeen erayo ay ku sheegayaan inaan laga rabin kooxda.

“Wesley Fofana wuxuu marayaa waqti aad u adag,” ayuu Cole u sheegay Premier League Productions. “Xalay wuxuu ahaa mid aan taxaddarin. Waxaan u malaynayaa inuu u baahan yahay in laga saaro shaxda koowaad oo la siiyo nasiino si uu diiradda u saaro naftiisa.”

Fofana ayaa Chelsea kaga soo biiray Leicester City sanadkii 2022, heshiiskiisuna wuxuu dhacayaa sanadka 2029.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular