Xidhiidhka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa ku dhawaaqday liiska gaaban ee ciyaartoyda ku tartamaysa shaxda kooxda Adduunka ee ragga, waxaana ku jira Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo oo ka mid noqday liiska 23ka ciyaartoy ee iskugu soo hadhay liiska kama dambaysta ah ee la kala-saari doono.
Labada ruug-caddaa ee Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo oo macasalaameeyey kubadda cagta Yurub iyaga oo u wareegay Sucuudiga iyo Maraykanka, ayaan haddana wali ka maqnaanin tartameyaasha kooxda ugu wanaagsan.
Erling Haaland oo xilli-ciyaareedkiisii koowaad kula guuleystay Manchester City saddexda koob ee Champions League, Premier League iyo FA Cup ayaa isaguna kusoo baxay liiska tartameyaasha, halka Kylian Mbappe, Jude Bellingham iyo Virgil van Dijk ay iyaguna yihiin ciyaartoyda kale ee magaca weyn leh ee ku jira liiskan.
FIFA oo 15ka bishan January bixin doonta abaal-marinta xiddiga sannadka ee The Best oo lagu qaban doono magaalada London ayaa waxa ay sii xushay liiska xiddigaha laga dhax dooran doono hal goolhaye, afar difaac, saddex khad dhexe, iyo saddex weeraryahan.
Halkan kaga bogo liiska 23ka ciyaartoy ee ku tartamaya kooxda sannadka
Goolhayeyaal
- Thibaut Courtois – Real Madrid iyo Belgium
- Ederson – Manchester City iyo Brazil
- Emiliano Martinez – Aston Villa iyo Argentina
Difaacyahanno
- Ruben Dias – Manchester City iyo Portugal
- Virgil van Dijk – Liverpool iyo Netherlands
- Eder Militao – Real Madrid iyo Brazil
- Antonio Rudiger – Real Madrid iyo Germany
- John Stones – Manchester City iyo England
- Kyle Walker – Manchester City iyo England
Khadka dhexe
- Jude Bellingham – Real Madrid/Borussia Dortmund iyo England
- Kevin De Bruyne – Manchester City iyo Belgium
- Ilkay Gundogan – Barcelona/Manchester City iyo Germany
- Luka Modric – Real Madrid a iyo Croatia
- Rodri – Manchester City iyo Spain
- Bernardo Silva – Manchester City iyo Portugal
- Federico Valverde – Real Madrid iyo Uruguay
Weerarka
- Karim Benzema – Al Ittihad/Real Madrid iyo France
- Erling Haaland – Manchester City iyo Norway
- Harry Kane – Bayern Munich/Tottenham Hotspur iyo England
- Kylian Mbappe – Paris Saint-Germain iyo France
- Lionel Messi – Inter Miami/Paris Saint-Germain iyo Argentina
- Cristiano Ronaldo – Al Nassr iyo Portugal
- Vinicius Junior – Real Madrid iyo Brazil