Man United Oo Go’aan Muhiim Ah Ka Gaartay Mustaqbalka Bruno Fernandes Si Aysan Bilaash Ugu Weyn.

Manchester United ayaa go’aansatay inay hal sano ku darto heshiiska kabtankeeda Bruno Fernandes. Tallaabadan ayaa ka dhigaysa inuu kooxda sii joogo ilaa bisha Juun 2028. Heshiiskiisii hore wuxuu ku ekaa dhammaadka xilli-ciyaareedkan.

Sida uu sheegay weriyaha caanka ah ee David Ornstein, maamulka United ayaa go’aankan u qaatay si ay u ilaaliyaan danta kooxda iyo tan ciyaaryahanka. Waxay doonayaan in heshiisku sii jiro muddo dheeraad ah. Arrintan ayaa sidoo kale kooxda siinaysa awood marka laga hadlayo go’aanka mustaqbalkiisa.

Inkastoo heshiiska la kordhiyay, taasi macnaheedu ma aha in Bruno Fernandes uu si hubaal ah u joogi doono Old Trafford ilaa 2028. Weli waxaa jirta suurtogalnimo uu ku bixi karo sannadka 2027. Kooxdu way eegi kartaa dalabyada loo soo gudbiyo xiddigan.

Ornstein wuxuu xusay in heshiis kordhintani ay United ka caawinayso inay lacag fiican ka hesho haddii ay go’aansato inay iibiso Fernandes, kaas oo gaari doona 32 sano jir Sannadka cusub. Waxay ka hortagaysaa inuu si bilaash ah uga tago kooxda marka heshiiskiisii hore dhammaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular