Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United ee Erik ten Hag ayaa ka joojiyey xiddig kooxdiisa ah inuu ka tago Old Trafford bishan January, waxaana uu ku adkaystay in uu u baahan yahay oo aan lagu diraynin amaah.
Erik ten Hag oo ay walaac ku hayaan dhaawacyada Casemiro iyo Mason Mount, ayaa waxa la sheegay in uu go’aansaday in xiddiga khadka dhexe ee Hannibal Mejbri oo la isla dhax-marayay in kooxda uu ka tegi doono suuqa iibka ciyaartoyda ee bishan January.
Hannibal Mejbri oo ay da’diisu tahay 20 jir, isla markaana laga reebay xulka qaranka Tunisia ee ka qayb-gelaya Koobka Qaramada Afrika si uu xal ugu helo mustaqbalkiisa, ayaa waxa sagaal ciyaarood oo uu u saftay Manchester United uu u dhaliyey hal g;ool.
tiro kooxo horyaalka Premier League iyo dalalka kale ee Yurub ah ayaa lala xidhiidhinayaa Hannibal Mejbri oo isaguna doonaya inuu helo firaaqo badan, sidii uu xilli-ciyaareedkii hore rukunka ugu ahaa Birmingham Ciyt oo uu aaah ku ahaa oo kale, ayaa waxa hor istaagay Erik ten Hag oo ka walaacsan taam ahaanshaha ciyaartoydiisa.
Dhaawacyada Casemiro iyo Mason Mount oo muddo ka maqnaa kooxda iyo sidoo kale Sofyan Amrabat iyo Christian Eriksen oo iyaduna muddooyin ka maqnaa kooxda ayaa waxa ay tababare Ten Hag ku keeneen in uu go’aansado in uu Mejbri ka joojiyo inuu baxo waqtigan.