Liverpool Oo Calaamadsatay Laba Goolhaye Oo Midkood Beddel U Noqon Doona Alisson Xagaaga Soo Socda

Kooxda Liverpool ayaa billowday qorshaynta mustaqbalka booska goolhayaha, iyadoo calaamadsatay laba musharrax oo ay midkood la soo wareegto, maadaama heshiiska goolhayaha reer Brazil ee Alisson uu dhacayo dhammaadka xilli-ciyaareedkan, isla markaana aysan jirin dammaanad ku saabsan in loo kordhin doono.

Sida ay qortay TEAMtalk, Liverpool ayaa wada-hadallo gudaha ah ka yeelatay u dhaqaaqista goolhayaha kooxda RC Lens, Robin Risser. 21-jirkan ayaa sidoo kale xiiso ka helaya kooxo badan oo ay ugu horreeyaan Newcastle, Tottenham, iyo Paris Saint-Germain.

Dhanka kale, goolhayaha kooxda Porto ee Diogo Costa ayaa isna ku jira qorshaha Liverpool, iyadoo ay sidoo kale doonayaan Bayern Munich iyo PSG, sida ay sheegeen warbixinno ka soo baxay Portugal oo ay soo xigatay Sport Witness.

27-jirkan oo ah goolhayaha koowaad ee xulka Portugal isla markaana koobab dhowr ah kula guulaystay Porto, ayaa heshiiskiisa lagu burburin karaa €60 milyan, balse Porto ayaa laga yaabaa inay xagaaga ku iibiso inta u dhaxaysa €45 milyan ilaa €50 milyan. Warbixintu waxay tilmaantay in Costa uu ku riyoonayo inuu u ciyaaro mid ka mid ah kooxaha ugu waaweyn Yurub, halka Liverpool ay isu diyaarinayso waqtiga ka dambeeya Alisson, kaas oo xilli-ciyaareedkan saftay dhammaan 11-kii kulan ee kooxda ee Premier League.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular