Tababaraha kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa shaaciyey, in aanay qorshaynayn in bishan Janaury ay la saxeexdaan difaacyo dhexe, inkasta oo ay ka dhaawacan yihiin David Alaba iyo Eder Militao oo ay xilli-ciyaareedka oo dhan ka maqnaanayaan.
Carlo Ancelotti oo goordhoweyd saxaafadda kula hadlay magaalada Madrid ayaa sheegay, in qorshahooda ay ka saareen in ay wax difaac dhexe ah la saxeexdaan, isla markaana ay isku hallayn doonaan Antonio Rudiger iyo Nacho Fernandez, laakiin ay sidoo kalena haystaan laba dookh oo kale oo ay isticmaali doonaan.
“Kama fikirayno in aanu difaac dhexe cusub la saxeexano waqtigan.” Ayuu yidhi Ancelotti, waxaanu ku daray: “Waxa aanu haysanaa Nacho iyo Rudiger oo ah difaacyahannadayada dhexe, sidoo kale waxa aanu haysanaa Tchouameni iyo Carvajal oo labaduba ka ciyaari karaya difaaca dhexe.”
Dhinaca kale, waxa uu Carlo Ancelotti sheegay, in shan ciyaartoy oo dhaawac kaga maqnaa ay kooxdiisa usoo laabanayaan, isla markaana uu dib u helayo kooxdiisa oo dhamaystiran marka laga reebo Thibaut Courtois, David Alaba iyo Eder Militao oo iyagu muddo dheer jiifaya.
Ancelotti oo ka hadlayay dhaawacyada ciyaartoydiisa ayaa yidhi: “Vinicius Jr, Carvajal iyo Arda Guler way soo noqdeen ugu dambayntii, sidoo kalena Camaivnga iyo Mendy si degdeg ah ayay diyaar u noqon doonaan.”