Weeraryahan Mise Daafac Dhexe? Barcelona Oo Beddeshay Qorshaheedii Suuqa Janaayo

Kooxda Barcelona ayaa suurtogal ah inay suuqa kala iibsiga ee bisha Janaayo u gasho soo xero-gelinta daafac dhexe oo cusub ka dib markii dhaawacyo isdaba-joog ah ay ku habsadeen khadkeeda dambe, iyadoo agaasimaha ciyaaraha ee naadiga, Deco, uu qiray inay ka fiirsanayaan dookhyada u furan.

Sida uu ku warramay wargeyska Mundo Deportivo, Deco iyo isku-duwaha maamulka ciyaaraha ee Bojan Krkić ayaa ka wada hadlay xaaladda safka kooxda intii lagu guda jiray waraysi ay siiyeen barnaamijka Tot Costa ee idaacadda Catalunya Ràdio, saddex bilood ka dib bilowga xilli-ciyaareedkan.

Deco ayaa sharraxay in dhaawacyada soo gaaray xiddigaha kala ah Andreas Christensen, Eric García iyo Jules Koundé, oo ay xigtay dhibaato kale oo soo wajahday da’yarka Xavi Espart, ay kooxda ku qasbeen inay dib u eegis ku samayso qorshaheeda suuqa.

“Wax walba dib ayaa looga fiirsan karaa,” ayuu yiri Deco, isagoo xaqiijiyay inuu kala tashan doono tababare Hansi Flick suurtagalnimada saxiix cusub bisha Janaayo ka hor inta aan go’aan la gaarin.

Kooxda reer Catalonia ayaa markii hore mudnaanta koowaad siinaysay inay la soo wareegto weeraryahan toos ah ka dib bixitaankii Robert Lewandowski, balse qaab-ciyaareedka cajiibka ah ee Raphinha oo horay u dhaliyay 20 gool ayaa yareeyay baahidii degdegga ahayd ee booskaas.

Barcelona ayaa haatan qiimeyn doonta dookhyadeeda dhanka daafaca ka hor inta aysan go’aan ka gaarin inay xoojin samayso suuqa jiilaalka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular