“Wuu Iga Yaabiyay!” – Luis Suárez Oo Magacaabay Xiddiga Barcelona Ee Uu Sida Gaarka Ah Ula Dhacsan Yahay

Weeraryahanka kooxda Inter Miami, Luis Suarez, ayaa shaaciyay inRaphinha uu yahay ciyaaryahanka Barcelona ee sida weyn uga yaabiyay.

Sida uu sheegay Suarez, xiddigan reer Brazil ayaa si aad u wanaagsan uga ciyaari kara booska weeraryahanka dhexe, inkastoo uusan ahayn booskiisa dabiiciga ah.

“Wuu iga yaabiyay sababtoo ah wuxuu si dabiici ah uga ciyaaraa boos aan kiisa ahayn, laakiin wuxuu awooday inuu la qabsado baahida kooxda isla markaana uu soo bandhigo qaab-ciyaareed aad u wanaagsan,” ayuu Suarez ku yiri waraysi uu siiyay barnaamijka “Tot costa” ee idaacadda reer Catalonia.

Raphinha ayaa kooxda Barcelona kaga soo biiray naadiga Leeds United sanadkii 2022, wuxuuna ilaa haatan qaab-ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxda reer Catalonia.

29 jirkan ayaa xilli-ciyaareedkan u dhaliyay Barcelona 19 gool, isagoo sidoo kale sameeyay saddex caawin dhammaan tartamada oo dhan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular