Deco Oo Kashifay Xiddigii Uu Sida Gaarka Ah U Doonayay Inuu Barcelona Keeno, Balse Uu Ku Fashilmay Saxiixiisa

Agaasimaha ciyaaraha ee kooxda Barcelona, Deco, ayaa magacaabay saxiixii uu aadka u doonayay inuu keeno naadiga reer Catalonia balse uusan ku guuleysan.

Deco ayaa loo magacaabay agaasimaha ciyaaraha ee Barcelona 16-kii Agoosto 2023, iyadoo ninkan u dhashay dalka Portugal uu qalinka ku duugay qandaraas saddex xilli-ciyaareed ah oo uu kula joogayo kooxda haysata horyaalka LaLiga.

Isagoo hadlayay ka hor kulanka horyaalka LaLiga ee ay Barcelona Axadda la ciyaarayso kooxda Villarreal, Deco ayaa la weydiiyay inuu magacaabo ciyaaryahankii uu rabay inuu keeno kooxda Blaugrana balse uu dhammaystiri waayay heshiiskiisa.

49 jirkan ayaa si kooban ugu jawaabay, sida uu soo xigtay wariye Fabrizio Romano: “Luis Diaz.”

Waxaa xusid mudan in Luis Diaz uu sanadkii 2025 ka tagay kooxda Liverpool ee horyaalka Premier League si uu ugu biiro Bayern Munich, inkastoo ay xiiso xooggan u qabeen Barcelona iyo kooxo kale oo Yurub ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular