Daafaca garabka midig ee kooxda Liverpool, Jeremie Frimpong, ayaa lagu ganaaxay lacag ka badan 1,000 gini ka dib markii uu ku guuldarraystay inuu sheego qofkii waday gaarigiisa nooca raaxada ah ee Lamborghini Urus xilli uu aad u xawaareynayay.
Gaariga 25 jirkan ayaa bishii Abriil 2026 laga duubay isagoo ku socda xawaare dhan 38 mayl saacaddii (38mph) waddada A56 ee deegaanka Stretford, Manchester, halkaas oo xawaaraha ugu sarreeya ee la ogol yahay uu yahay 30mph.
Xiddigan reer Netherlands ayaa ka jawaabi waayay laba warqadood oo ka yimid booliiska kuwaas oo lagu weydiinayay inuu xaqiijiyo ciddii gaariga wadday, taas oo keentay in dacwad lagu soo oogo isla markaana la horgeeyo maxkamadda Manchester Magistrates Court.
Maxkamadda ayaa Frimpong ku heshay dambi ah inuu diiday sheegidda darawalka gaariga, waxaana shatigiisa darawalnimada laga jaray lix dhibcood (penalty points). Waxaa sidoo kale lagu xukumay inuu bixiyo ganaax dhan 660 gini, 120 gini oo ah kharashkii dacwadda iyo 264 gini oo ah lacagta magdhowga dhibbanayaasha (wadarta guud waa 1,044 gini), iyadoo laga laabtay eedeyntii hore ee xawaare-dhaafka ahayd.