Chelsea Oo Noqotay Kooxda Uu Doonayo Inuu Bastoni Ku Biiro Iyo Barcelona Oo Ka Jawaabtay

Kooxda Chelsea ayaa noqotay dooqa koowaad ee daafaca kooxda Inter Milan, Alessandro Bastoni, iyadoo wakiillada xiddigan ay baarayaan fursadaha u furan ka hor sanadka 2027.

27 jirkan reer Talyaani, oo loo arko mid ka mid ah daafacyada dhexe ee bidixda ku ciyaara kuwooda ugu fiican adduunka, ayaa muddo dheer lala xiriirinayay kooxda Barcelona. Si kastaba ha ahaatee, shabakadda TEAMtalk ayaa ku warrantay in tababaraha Barca, Hansi Flick, uusan si buuxda ugu qanacsanayn in laacibkan uu ku habboon yahay hannaankiisa ciyaareed, taas oo keentay in wakiillada Bastoni ay raadiyaan kooxo kale maadaama uusan doonayn inuu ku biiro naadi uusan tababaruhu si buuxda u rabin.

Chelsea ayaa durbaba wadahadallo la bilowday wakiillada ciyaaryahanka, waxayna indha-indheeya-yaal u dirtay kulankii uu dhowaan xulka Talyaaniga uu 3-1 kaga adkaaday France, ciyaartaas oo uu Bastoni ku muujiyay bandhig cajiib ah.

Marka laga soo tago Blues, kooxaha Liverpool, Manchester City, Manchester United iyo Bayern Munich ayaa dhammaantood lala socodsiiyay xaaladdiisa. Hase yeeshee, Liverpool ayaan booskaas u arkin mudnaan weyn ka dib markii uu xagaagii hore si fiican ula qabsaday saxiixooda cusub ee Jeremy Jacquet.

Dhanka kale, Inter Milan ayaa aad u doonaysa inay kordhiso qandaraaska Bastoni oo ku eg sanadka 2028. Haddii labada dhinac ay ku guuldarraystaan inay heshiis cusub gaaraan, kooxda reer Talyaani waxay ku qasbanaan doontaa inay xagaaga soo socda ku iibiso qiimo aad u sarreeya, maadaama ay xilligaas uga hari doonto kaliya 12 bilood qandaraaskiisa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular