Kooxda Arsenal ayaa ogaatay go’aanka kama dambeysta ah ee Real Madrid ee ku aaddan suurtagalnimada ay amaah kula soo wareegi karto weeraryahanka da’da yar ee Endrick suuqa kala iibsiga ee bisha Janaayo, ka dib markii uu arrinta soo farageliyay tababare Jose Mourinho.
20 jirkan reer Brazil ayaa ku dhibtooday inuu boos joogto ah ka helo Bernabeu xilli-ciyaareedkan, isagoo ku soo bilowday kaliya hal kulan isla markaana ciyaaray 141 daqiiqo dhammaan tartamada, in kastoo xilli-ciyaareedkii hore uu wacdaro ka dhigay kooxda Lyon oo uu amaah ugu dhaliyay 13 gool 18 kulan oo uu saftay.
Arsenal, oo xagaagii hore seegtay saxiixyada Morgan Rogers, Bradley Barcola iyo Vinicius Junior, ayaa doonaysa inay xoojiso weerarkeeda iyo garabka bidix bisha Janaayo. Si kastaba ha ahaatee, shabakadda Football Insider ayaa ku warrantay in Real Madrid aysan marnaba ka fiirsan doonin inay Endrick amaah ku fasaxdo jiilaalkan. Go’aankan ayaa yimid ka dib markii tababare Jose Mourinho uu maamulka u caddeeyay inuu u baahan doono xiddigan qaybta labaad ee xilli-ciyaareedka.
Dhanka kale, khabiirka suuqa ee Fabrizio Romano ayaa sharraxay sababta ay Arsenal ugu adkaan doonto inay bisha Janaayo la soo wareegto bartilmaameedkeeda kale ee Antonio Nusa oo ka tirsan RB Leipzig. Romano ayaa xusay in Leipzig ay ku qiimeyso laacibkan lacag u dhaxaysa 70 ilaa 75 milyan oo Yuuro, isla markaana aysan diyaar u ahayn inay wax qiimo dhimis ah sameeyaan.
Kooxda reer Jarmal ayaa qorsheynaysa inay sii haysato Nusa ilaa xagaaga soo socda, taas oo ka dhigaysa in bixitaankiisa Janaayo uu ku imaan karo oo kaliya dalab waalli ah oo aan la diidi karin.